Sign in to follow this  
Deeq A.

“Iyagaa laga doonayaa inay iska dulqadan xagjiriinta Al-Shabaab anaguba albaabada ayan u fureynaa”

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Taliyaha CXD Jeneraal Daahir Aadan Cilmi (Indha Qarshe) ayaa sheegay in maleeshiyaadka Al-Shabaab ay xasuuq ba’an ku hayaan dadka deegaanka ku ah degamada Marko ee gobolka Sh/Hoose.

Indha Qarshe, waxa uu sheegay in maleeshiyada Al-Shabaab ay dhibkaasi bilaabeen kadib markii ay guul daro kala kulmeen dagaalo ay la galeen ciidamada dowlada.

Indha Qarshe, waxa uu tilmaamay in Al-Shabaab ay xasuuq noocyo badan u geystaan shacabka, isgoo tilmaamay in ujeedka uu yahay xanuunjin si ay naxariis uga helaan.

“Al-Shabaab markii looga adkaaday dagaalka waxa ay bilaaben in si khasab ah ay u adeegsadan dadka shacabka, waxaa nasiib daro ah in dano argagixiso  loo xasuuqo shacab dowladnimo raadinaaya”

“Shacabka iyagaa laga doonayaa inay iska dulqaadan xagjiriinta Al-Shabaab anaguba albaabada ayan u fureynaa”

“Runtii dhibaatooyinka ay ka geystaan deegaanada ay la wareegen ciidamada dhagahaaga ma maqli karaan, waxaanu dooneynaa in rag iyo dumarba laga gaashanto Al-Shabaab si loogasaaro dalka oo dhan”

“Shacabka anaga ayaa meel waliba uga hormari doona waxaana u sheegeynaa in nolol aysan u noqon doonin la dhaqanka ama ka cabsida Kooxo argagixiso oo gumaad uu u muuqdo”

Indha Qarshe, waxa uu sheegay in ciidamada xoogga dalka ay Al Shabaab kala wareegeen degaano hoostagga degamada Marko ee gobolka Sh/Hoose.

Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay in la furay wadada xiriirisa Muqdisho iyo Marko ee ka kala tirsan gobolka Shabeellaha Hoose iyo gobolka Banaadir.

Waxa uu xusay in ciidanka xoogga dalka ay hada qorsheynayaan in ay Al Shabaab kala wareegeen degaano kale oo hada ay ciidamada ku wajahan yihiin.

Sidoo kale, Indha Qarshe ayaa cod dheer ku sheegay in degaanada laga qabsado Al-Shabaab ay ka jiraan xaalado adag maadaama Al-Shabaab ay horay u sii qaatan dhammaan adeegyadii bulshada.

Dhinaca kale, Indha Qarshe ayaa carab ***** in CXD aysan awood u lahayn in gurmad deg deg ah ay u fidiyaan shacabka ku nool degaanada Al Shabaab laga qabsado.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this