Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-Shabaab oo qabsatay meel u dhow Baydhaba iyo xaaladda oo kacsan

Recommended Posts

Deeq A.   

Baydhabo (Caasimadda Online) – Wararka laga helayo Gobolka Bay ee Soomaaliya ayaa sheegaya in saaka aroortii hore ciidammo ka tirsan Xarakada Al-Shabaab ay qabsadeen tuulada Goofguduud Buureey oo qiyaastii 30 km magaalada Baydhabo uga beegan dhinaca waddada aada degmada Waajid sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Ciidanka weerarka qaaday ayaa tuulada dagaal la’aan ku galay ka dib markii ciidanka dawladdu ay isaga baxeen halkaasi. Illaa hadda dhinacyada Al-Shabaab iyo maamulka Konfur Galbeed kama aysan hadlin weerarkan u dambeeyay.

Al-Shabaab ayaa horey u qabsatay tuulada Goofguduud Shabeelow oo qiyaastii 30 km magaalada Baydhabo uga beegan dhinaca wadada aada degmada Diinsoor.

Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegay in maleeshiyadii Alshabaab ay dib uga baxeen halkaasi markii gurmad ciidamo ah uu ka baxay magaalada Baydhaba.

Saraakiisha Ciidamada Dowladda iyo kuwa Maamulka Koonfur Galbeed ee Gobolka Baay weli kama hadlin la-wareegitaanka Al-Shabaab ee deegaanka Goofguduud Buureey.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this