Deeq A. Posted September 30, 2018 Dableey hubeeysan ayaa magaalada Muqdisho ku toogtay gabar ardayad aheyd. Allaha u naxariistee Caa’isho Cali Saneey oo aheyd 14 jir ayaa dhiganeeysay mid kamid ah Schoolada ku yaalo Muqdisho. Gabadhaan ayaa xiliga la dilayay waxa ay ka soo baxday Schoolka ay dhiganeeysay oo ku yaala Agagaarka hotelka Guuleed ee degmada Yaaqshiid gobolkan Banaadir. Hooyada dhashay gabadhaasi oo lagu magacaabo Fartuun Abuukar Suubiyeoo la hadashay warbaahinta Muqdisho ayaa sheegtay in aanay garaneeynin sababta gabadheeda loo dilay. Hooyada ayaa sheegtay in kooxda dishay gabadheeda ay muddo ku murmayeen dilkeeda iyaga oo ugu dambeeyntiina dilay. Wararka qaar oo aan helnay ayaa waxaa ay sheegayaan in kooxda dilka geeystay ay ahaayeen burcad gabadha dhimnatay Mobile-ka ka qaadanayay. Hoos ka Dhageyso codka https://puntlandpost.net/wp-content/uploads/2018/09/Cod-Hooyo-Gabadheeda-la-dilay-PP-.mp3 Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Gabar Ardayad ah oo lagu dilay Magaalada Muqdisho appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites