Deeq A. Posted September 30, 2018 Dowladda Puntland ayaa qaaday tallaabo siweyn uga caraysiisay maamulka Soomaaliland ee uu hogaamiyo Muuse Biixi Cabdi kadib markii ay gobolada Sool, Sanaag, Cayn iyo Togdheer ka fulisey qorshe Somaliland ka leexsatay. Puntland ayaa deeqo waxbarasho bilaash ah siisay ardaday ka baxday dugsiyada sare ee goboladaasi, kadib markii xukuumadda Muuse Biixi ay lunsatay deeqo waxbarasho oo ay ku soo heshay ayna u leexisey gobolada kale. Xukuumadda Muuse Biixi ayaa la sheegay inay musuq maasuq ku samaysay deeqihii waxbarashada loona leex saday deegaamo gaar ah iyo goobo khaas ah, taasi oo dadka shacabka ah ay siweyn uga caroodeen. Deeqaha waxbarashada ee Puntland ayaa lagu saleeyaa kala saraynta ardayda, saami gaar ah oo la siiyo deegaamada laamiga ka durugsan iyo qaab lamid ah taasi oo fursad gaar ah siisay goboladaasi. Quote Share this post Link to post Share on other sites