Sign in to follow this  
Deeq A.

Xisbi uu hoggaaminayo Xasan Sheekh oo looga dhawaaqay Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Xisbi cusub oo uu hoggaaminayo madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xildhibaan Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa in looga dhawaaqo magaalada Muqdisho.

Xisbigan uu hoggaaminayo Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la sheegay in Khamiista looga dhawaaqi doonaa magaalada Muqdisho ayaa loo bixiyey “Midowga Nabadda & Dimoqraadiyadda”, waxaana ku midoobay Xisbiga Daljir iyo Kutladii Horusocod ee xildhibaanadii qabyo ay ku jireen.

Shirweyne ay shalay ku yeesheen magaalada Muqdisho Xisbiga Daljir ayaa waxay ku shaaciyeen inay si rasmi ah ugu biirayaan midow Xisbiyo Qaran oo hal xisbi isku noqonaya, iyadoo dhaqan galkiisa uu bilaabayo maanta oo 30-ka bisha September ah.

Shirar ka socday gudaha dalka iyo dibadiisa ayaa lagu heshiiyay inay hal xisbi ku midoobaan Xubno siyaasiyiin iyo Xildhibaano mucaarad ah, waxaana Xisbigan la filayaa inuu noqdo xisbiga ugu weyn ee mucaaradka ku midoobaan.

Wararka ayaa sheegay in xisbiga C/raxmaan C/shakuur Warsame ee Wadajir oo hore loogu waday inuu ka mid noqdo xisbigan cusub uu ka hakaday arrimo aan la shaacin dartood, waxaana xisbigan ku mideysan in ku dhow 50 xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka Federaalka.

midowga-696x339.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this