Sign in to follow this  
Deeq A.

Dhageyso: C/rashiid Janan “DF Amniga dalka waxba kalama socoto, waxay ku mashquushay Facebook”

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Wasiirka Amniga Dowlad goboleedka Jubbaland Cabdi rashiid Xasan Cabdi Nuur(Janan) ayaa Dowladda Federaalka iyo Dowlad goboleedyada ku eedeeyey inaysan ka warqabin xaaladaha ka jira dalka.

Waxa uu sheegay in todobaadkii la soo dhaafay gobolada Gedo iyo jubbooyinka lagu dilay ku dhawaad 10 Askari oo ka tirsanaa Ciidamada Jubbaland,balse aan laga waqabin.

C/rashiid Janan ayaa sheegay in dowladdu aanay ka warqabin ciidamada Soomaaliyeed ee maalin kasta dagaalka ku jira, isagoo soo hadal qaaday Ciidamo lagu dilay Gobolada Gedo iyo Jubbada Hoose oo Shabaabka qaraxyo ku dileen

Waxaa uu sheegay in dowladdu ay ku mashquulsan tahay kaliya baraha bulshada iyo dadka qoraalada ku soo qora Facebook ee buun buuniya.

“Todobaadkii la soo dhaafay dhowr iyo toban askari ayaa ku dhintay Gedo iyo Jubbada Hosoe,hal qof isma weeydiin kan wax dilay iyo kan la dilay dowladda maba oga,waana askari soomaaliyeed oo muwaadin ah,in badan oo ka mid ah dadka dalka madaxda ka ah waxa socda waxba kala socdaan” ayuu yiri.

https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2018/09/Wasiir-Janaan.mp3

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this