Deeq A. Posted September 30, 2018 Maamulka deegaanka Lafoole ee gobolka Shabellaha Hoose ayaa sheegay in heshiis ay kala dhex dhigeen beello walaalo ah oo horey u dagaallamay. Xuseen Nuur Geesey oo ah madaxa arrimaha bulshada ee deegaankaasi ayaa u sheegay Goobjoog News, in dagaalladan ahaayeen kuwo soo noq-noqday, balse ay ku guuleysteen daminta colaaddan. Waxa uu tilmaamay in markii hore dagaalladan ka bilowdeen arrimo la xiriira dhul, balse dedaal badan oo ay sameeyeen kadib xal laga gaaray arrintaasi. Guddoomiye Geesey ayaa sheegay in xilligan aanu dagaal wanaagsaneyn, wuxuuna shacabka Soomaaliyeed usoo jeediyey in la wada heshiiyo. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/09/WAREEYSI-GUD-XIGEN-MAAMULKA-LAFOOLE-MUQTAAR-NUUR-GEESEEY-.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites