Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowlad saameyn ku leh Somalia oo QM uga digtay qorsho ay la damacsan tahay ciidamada AMISOM

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Ra’isul wasaaraha Ugandha Dr.Ruhakana Rugunda ayaa QM uga digay qorshaha lagu doonayo in lagu dhimo ciidamada AMISOM ee Somalia.

Wuxuu sheegay in qorshahaasi uu wax u dhimayo dadaalka loogu jiro xoojinta amaanka Somalia iyo kor u qaadista tayada ciidamada Somalia.

Waxa uu hadalkaasi ka sheegay shirweynaha 73-aad ee Golaha guud ee QM waxa uuna hoosta ka xariiqay in dhimis waliba oo lagu sameeyo ciidamada jooga Somalia ay xagal daacineyso hormarka Siyaasada iyo amaanka Somlia.

Dr. Ruhakana Rugunda, waxa uu carabka ku dhuftay in xaalada amaan ee Somalia soo hagaagtay tan iyo markii ciidamada AMISOM loo soo daabulay Somalia oo iminka laga joogo 11 Sano.

Mar uu ka hadlaayay dagaalka Al-Shabaab waxa uu sheegay in haatan 80% Al-Shabaab laga xureeyay dhulka ay heysteen, isla markaana dowlada Somalia iyo Hay’adaha shisheeye ee ka shaqeyn jiray dibadda ay usoo wareegen Muqdisho, taa oo xoojineysa guusha la gaaray.

Waxa uu intaa ku daray in Somalia ay tusaale weyn u tahay iskaashiga u dhexeeya QM iyo Midowga Africa si loo xaliyo mashaakilka Africa.

Inkabadan 6,000 askari oo Ugandhees ah ayaa ku sugan Somalia, waana dalka ugu balaaran ee ciidamada ugu badan ay ka joogan Somalia.

Dalalka kale ee ciidamada ka joogan Somalia ayaa waxa ay kala yihiin Jabuuti, Ethiopia, Kenya, Burundi iyo Ugandha.

Bishii Augusta 2016 15-ka xubnood ee Golaha amaanka QM waxay soo saaren qaraar ku baaqaya in dadaalka ugu badan la galiyo xoojinta ciidamada Qaranka Somalia, si ay u hantaan amaanka dalkood ee xiliga mudada dheer.

ISHA Daily Monitor

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this