Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Al-Shabab oo xoog ku kaxeyastay 300 oo caruur iyo 2,500 oo kale oo xiga

Recommended Posts

Deeq A.   

Marka (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ee dalka Soomaaliya ayaa ugu yaraan 300 oo caruur yaryar u qortay dgaalayahanno ahaan, 10 malamood ka hor, ayaga oo kuwa kalena raadinaya, sida ay sheegeyso xog aan helnay

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sheegay in Shabaabka ay 300 oo caruur ah ka qafaasheen ama ka ururiyeen deegaano ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose, 10-kii maalmood ee tagay, ayada oo kooxda ay ku jirto olole xooggan oo ay ku xoojineyso ciidanka u dagaalama.

Caruurta la qafaashay ayaa la sheegay inay da’doodu u dhaxeysaa sagaal iyo 16 jir.

Ilo-wareedyada warkan laga soo xigtay oo u badan shaqaalaha arrimaha bani’aadannimada ayaa ku warramay in dadka la qafaashay ay qeyb ka yihiin ugu yaraan 2,500 oo dagaalyahan oo u qorsheysan Shabaabka inay qortaan 30-ka malmood ee soo socda.

Al-Shabaab ayaa weydiisay dadweynaha ku nool deegaanada gobolka Shabeellaha Hoose inay 30-ka malamood ee soo socda gudahood ku keenaan caruurta dhiman ee ay dagaalyahanno ahaanta u rabaan.

Dadka deegaankaa ayaa sheegay inaysan jirin wax ay sameyn karaan oo aan ka ahayn inay u hogaansamaan amarka iyo dalabka Shabaab, haddii kale noloshooda ay halis galeyso.

Hay’adda xuquuqda aadanaha ee Human Right Watch ayaa horey u shaacisay in Shabaabka ay caruur u qortaan dagaalyahanno ahaan.

Caasimada Online
Xafiiska Marka
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this