Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Mas’uuliyiinta kastamka canshuuraha ee Musuqa loo heystay oo mar kale maxkamad ka soo muuqday

Recommended Posts

Deeq A.   

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maanta oo Taariikhdu Tahay 29/09/2018  u fariisatay dacwad ciqaabeed loo haystay sagaal eedeysane oo ka shaqeynaayay waaxda Canshuuraha Dekadda Magalaada Muqdisho, waxaana  lagu soo eedeyay inay lunsadeen hanti Dowladeed Gaar ahaan waaxda Canshuraha Dekadda Magaalada Muqdisho.

Ugu horayn Waxaa Maxkamadda furay Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir Garyaqaan Muuse Macallim wuxuuna  aqriyay Eedda loo haysto sagaalka  eedaysane, waxaana dacwada ka soo qeyb galay ku-xigeenada Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo ku oogaayay Dacwada loo haysto sidoo kale waxaa goob joog ahaa qareenada difaacaya eedaysanayaasha.

Intaa kadib waxaana dooda qaatay Qareennada difaacayay Eedeysanayaasha,kuwaasi oo soo bandhigay difaacooda sharci.

Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa ku dhawaaqay in ay Maxkamaddu ka soo saari doonto Qaraar, sidoo kale waxaa dib laga soo sheegi doono dhageysiga dacwadan inta ka harsan.

Maxkamada-4.jpg

Maxkamada-6.jpg

Maxkamada-3.jpg

Maxkamada-5.jpg

Maxkamada-1.jpg Maxkamada-2.jpgMaxkamada-7.jpg Maxkamada-8.jpg Maxkamada-9.jpg Maxkamada-10.jpg Maxkamada-11.jpg Maxkamada-12.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this