Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Boqolaal kun oo dollar oo garoonka Muqdisho lagu qabtay iyo ganacsato xiran

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Garoonka Diyaaradaha Magaalada Muqdisho ee Aadan Cadde ayaa Maalintii Arbacada waxaa lagu qabtay lacago dollar been abuur ah oo aad u badan, taas oo la doonayey in laga dhoofiyo halkaas, sida ay ilo-wareedyo u sheegeen Caasimada Online.

Qaar ka tirsan howlwadeenada Garoonka oo diiday in magacooda loo isticmaalo warbixintaan ayaa Shabakadda Caasimada Online u xaqiijiyey in Gaaroonka lagu qabtay lacagtaas, islamarkaana la xiray dadkii waday.

Illo wareedyadaas ayaa sidoo kale xaqiijiyey inay lacagtaas gaareysay ilaa dhowr boqolaal oo kun oo Dollar waxaana dhoofin rabay Ganacsato Soomaaliyeed, oo kusida boorsooyinka lagu safro markii la qabanayey.

Sida xogta aan ku helnay waxaa xiran dhammaan ganacsatadi howshaas loo qabtay oo hadda u xiran Dowladda Soomaaliya isla markaasna waxaa hadda ku socdo baaritaan lagu ogaanayo halka lacagtaas loo waday iyo Meesha lagu daabacay.

Ilaa hadda si rasmi ah looma ogo halka lacagtaas loo waday iyo tirada xaqiiqda ah oo ay aheyd balse warar hordhac ah oo aan helnay ayaa xaqiijinayo in lacagtaas lagu sameeyey Makiinado yaalo Magaalada Muqdisho.

Dowladda Soomaaliya ayaa hadda gacanta ku heyso lacagtaas waxaana la filayaa in Saxaafadda loosoo bandhigo marka uu soo dhamaado baaritaanka lagu hayo ganacsatadii lacagtaas lagu qabtay.

Amaanka Garoonka Muqdisho iyo baaritaanada ayaa si weyn loo adkeeyey tan iyo markii ay Kooxda Al-Shabaab qorsheeyeen weerar uu sameeyey Ismiidaamiye rabay inuu qarxiyo mid kamid ah Diyaaradaha isticmaalo Garoonkaas.

Sidoo kale garoonka waxaa joogo qubaro dhanka baaritaanada qaabilsan oo ajaanib ah kuwaas oo si weyn uga qeyb qaato baaritaanada waxyaabaha laga dhoofinayo Garoonka iyo kuwa lasoo dajinayo.

Wixii warar ah ee arrintaan kusoo kordha waan idinla socodsiin doonaa

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this