Sign in to follow this  
Deeq A.

Muqdisho oo lagu qabtay shir looga hadlay sidii loo ballaarin lahaa Bedka Caasimadda

Recommended Posts

Deeq A.   

Ballaarinta_Caasimadda_Somalia-1.jpg?resMuqdisho (PP) ─ Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdirixmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) iyo Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuduudaha iyo Federaalka ayaa ka wada hadlay ballaarinta Sohdimaha ay Caasimaddu leedahay.

Duqa Muqdisho ayaa tilmaamay baahida loo qabo in Caasimaddu ay sii ballaarato, maadaama xiligan ay ku nool yihiin tiro aad uga badan waqtiyadii hore, isagoo xusay in bulshada Caasimaddu ay tallo ahaan u soo jeediyeen in la gaarsiiyo labada Wabi ee Balcad iyo Afgooye.

“Maadaama uu dalku yahay Federaalka, Caasimadduna ay ka ballaaratay intii hore waxaa muhiim ah in laga wada-xaajoodo mustaqbalka sidii loo gaarsiin lahaa sohdinta hadda jira labada Wabi ee Balcad iyo Afgooye”.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa uga mahadceliyey guddiga Madaxa-bannaan ee Xuduudaha iyo Federaalka doorka ay ka qaadanayaan federaaleynta dalka, gaar ahaan sidii bulshadu u noqon lahayd kuwa faham u leh hannaanka federaalka.

Sidoo kale, Guddoomiyaha ayaa sheegay ahmiyadda ay arrimahan u leeyihiin wadatashiga dadweynaha, si go’aanada la qaadanayo u noqdaan kuwa ku saleysan rabitaanka bulshada.

Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuduudaha iyo Federaalka Mudane Khaliif Cabdikariin Maxamed ayaa warbixin ka siiyey Duqa Muqdisho howllaha uu guddigu qabto, isagoo faah faahin dheerna ka bixiyey shaqooyinka muhiimka ah ee horyaalla, gaar ahaan sameynta sohdimaha maamullada dalka.

Ballaarinta_Caasimadda_Somalia-2.jpg?res Ballaarinta_Caasimadda_Somalia-3.jpg?res

PUNTLAND POST

The post Muqdisho oo lagu qabtay shir looga hadlay sidii loo ballaarin lahaa Bedka Caasimadda appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this