Sign in to follow this  
Deeq A.

Axmed Madoobe ”DFS waxa ay dhagaha ka fureysatay qeyladeena dusha ma saran karto libin aan gaarnay”

Recommended Posts

Deeq A.   

Kismaayo (Caasimada Online)-Hoggaamiyaha maamulka Jubaland Axmed Madoobe, ayaa mar kale ka hadlay awoodaha ay maleeshiyaadka Al-Shabaab ku yeelanayaan guud ahaan dalka, gaar ahaan Gobolada uu maamulo.

Axmed Madoobe, ayaa sheegay inuu aad uga xun yahay in lagu laayo ama lagu xasuuqo Hub ay dowlada Somalia si dadban u siisay Al-Shabaab.

Waxa uu xusay in Al-Shabaab ay si dhaqso ah ku helaan hubka iyo Saanada dowladda loogu deeqo sidaasi darteedna aysan macquul ahayn in Al-Shabaab laga guuleysto.

Waxa uu tilmaamay inuu qaadan la’yahay in Hubka dowlada ay leedahay ay maanta isticmaalayaan Al-Shabaab, isla markaana ku gumaadayan dadka shacabka ah, sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu sheegay in dowlada Somalia ay si cad uga gaabisay dagaalka lagula jiray Al-Shabaab, hase yeeshee uusan garan Karin ujeedka ku hoos duugan weerar qaadis la’aanta.

”Dowladu waxa ay dhagaha ka fureysatay qeyla dhaanteena waxaan u sheegeynaa in dusha aysan saran karin libin aan gaarnay”

Deegaanada maamulkiisa ayuu tilmaamay in inta ugu badan ay ku jirto gacanta Al-Shabaab, waxa uuna eedaasi dusha ka saaray dowlada Somalia oo indhaha ka qabsaneysa gafka Al-Shabaab, sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu carab ***** Axmed Madoobe in xiligan loo baahan yahay in Al-Shabaab lagu qaado dagaal mideysan oo dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada ah.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu ugu baaqay Saraakiisha AMISOM iney ka shaqeeyaan sidii loogu guuleysan lahaa dagaalka Al-Shabaab.

Docda kale, Axmed Madoobe ayaa dowlada Somalia uga digay inay dusha saarato libin aysan laheyn, waxa uuna cod dheer ku sheegay inay dhexda u xiran doonaan ciribtirka Al-Shabaabka Jubbooyinka.

Caasimada Online

Xafiiska Kismaayo

Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this