Deeq A. Posted September 29, 2018 Guddoomiyaha gobolka Hiiraan, Yuusuf Axmed Hagar Dabageed ayaa sheegay in shacabka B/weyne aanay u dacwad doonan karin Xarakada Al-shabaab. Waxa uu sheegay guddoomiyaha in cid walbo oo lagu helo in Al-shabaab deegaannada ay ka joogaan Hiiraan u dacwad doonato ay xabsi Saddex bil ah dhigi doonaan, sidoo kalena ku ganaaxi doonaan lacag dhan 5 kun oo doolarka Maraykanka ah. “Waxaa badatay in loo dacwad doonto Booca, ciidamada amniga waxaan leeyahay ciddii ka baxda B/weyne ee aadda Booca una dacwad doonata nabad diidka muddo Saddex bil ah ayaan xireynaa 5 Kun oo doolarna waa lagu ganaaxayaa” ayuu yiri guddoomiyaha. Dhanka kale, Dabageed ayaa sheegay in cid walbo aadda deegaannada Al-shabaab maamusho ay deegaannadaasi joogi doonaan ama haddii ay yimaadaan u diyaar garoobaan xabsiga iyo ganaaxa. B/weyne ayaa caadi ka ah in dadka ay u maxkamad doontaan Xarakada Al-shabaab, ayna aadaan deegaannada Booca iyo Luuq Jeelow ee gobolkaasi. Goobjoog News Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites