Sign in to follow this  
Deeq A.

Xil. Axmed Fiqi oo si adag uga jawaab celshay hadalkii kasoo yeeray Farmaajo ee ahaa Siyaasiyiin xanaaqsan

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Sida aan warbixinadeenii hore ku sheegnay Madaxweynaha Somalia, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa ka hadlay mucaaradka dawladdiisa ka soo horjeeda ee uu ku tilmaamay Siyaasiyiin xanaaqsan.

Madaxweynaha ayaa hadalkaasi ka sheegay munaasabad ku saabsaneyd dib u habaynta waxbarashada dadweynaha, waxaana siyaabo kala duwan uga carooday qeybo kamid ah mucaaradka.

Nuqul kamid ahaa haddalka Madaxweyne Farmaajo ayaa ahaa “Soddonkii sano waxaa batay siyaasiyiin xanaaqsan. Siyaasiyiinta xanaaqsan dhaqankii ayey halleeyeen, waxay xalaaleeyeen beentii iyo in aan la shaqaysan. wax badan oo diinta islaamka ay diidayso ayey xalaaleeyeen”.

Waxa uu intaa raaciyay isla markaana kuwa xanaaqsan uu ku sifeeyay kuwo aan mustaqbalka Soomaaliya dan ka lahayn oo ka hadla wax waliba oo xun isla markaana dadka qalbi jabinaya, isagoo ka digay in lagu feelo dadka ceynkaasi ah.

Xildhibaanada mucaaradka ee kasoo jawaab bixiyay isla markaana ka gubtay hadalka Madaxweynaha ayaa waxaa kamid ahaa Xildhibaan Axmed Macallin Fiqi oo ka mid ah siyaasiyiinta xisbiga Daljir, xubinna ka ah baarlamaanka Soomaaliya.

Qoraal uu Axmed Fiqi kusoo daabacay Boggiisa Facebook ayuu uga jawaab celshay haddalka Madaxweynaha waxa uuna qoraalkiisa ahaa mid u qoran sida tan:-

HOOS KA AKHRISO QORAALKA AXMED FIQI OO DHAMEYSTIRAN

Maadada “Siyaasiga Faraxsan & kan Xanaaqsan “ oo caruurta iskuulada Xamar dhigata lagu soo kordhiyey manhajkooda! Buug uu qoray Mudane Maxamed C/hi Farmaajo.

“Goob walba kalimadeeda ayey leedahay لكل مقام له مقال! Goob tacsi taallo loogama waramo damaashaad, goob dib u heshiisiin lagu hayana laguma xuso dagaal hadaladiis, akhyaar waaweyn sheekada caruurta looma sheego, ilmo yaryarna sheeko odoyeed ma xamili karaan.. iwm.

ilmo yaryar oo iskuullay ah, guryahoodii salaaddii subax ka dib laga soo kaxeeyey, ayagoo dharkii iskuulka ku labisan oo aan quraac soo cunin hool lagu soo xareeyey, wax ka badan 5 saacadood iska fadhiyey halkaas, duruusta Iskuulka loogu dhigi jirayna ay ka mid aheyd is-ixtiraamka iyo tarbiyadda wanaagsan, in madaxweynihii dhibkaas oo dhan loo soo marsiiyey in ay wax un ka kororsadaan ay noqotay ayagoo goobtaas kala gaddoomay “darsi nacayb & karaahiyo muujinaya” iyo gocasho hadallo ku taagnaa madaxweynaha, inkastoo Soomaalidu ay ku maahmaahdo “Matag meel Aad rabto kuguma simo”, madaxweynuhu uma muuqan cidda u uu khudbaynayo, ee waxaa u muuqday cid kale oo tabasho uu ka qabay markaas.

Ardayda yaryar ee horfadhiday madaxweynaha, waxey xaq u lahaayeen in waxbarashada ay lacagta ku dhigtaan madaxweunuhu u ballanqaado in iskooladii dawladda dib loo furayo Lacag la’aanna looga dhigi doono, jaamacadihii dalka dib loo hawlgalinayo” marka ay jaamacadaha ka soo baxaana shaqooyin la siin doono, sidoo kale waalidka ku dhibban Waxbarashada iyo caafimaadka caruurtaas waxey filayeen in culeyska ka heysta Waxbarashada iyo caafimaadka ilmahooda oo ay xaq ugu leeyihiin in dawladdu daboosho, ballanqaad ay ka maqlaan madaxweynaha, laakin uma aysan fadhin in hadallo cuqdad iyo caro ka muuqato ilamahooda lagula dul dhaco.

Si kastaba, Mudane Madaxweyne, Armuu xaalka dalku ka durugsan yahay farxad & Xanaaq caruur yaryar hortooda laooga sheekeeyo! Mas’uuliyadda kaa saaran dal qeyb ka mid ah alshabaab heysto, maamuladii goboladu ay hogaankaada iyo siyaasadaaba calaamad su’aal saareen, magaalada Muqdishana xaalkeeda laga warqabo, intaas mas’uul ay heysato ma farxi karee, see wax yihiin? ogowna dalku inuusan doorasho ku jirin, oo aan la indha-sarcaadin karin dadka, dhabta in loo soo jeesto, oo arrimaha dawlad goboleedyada iyo siyaasiyiinta hogaanakaada dhallilshan ay sheegayaan jawaab aan ahayn “Farxad iyo Xanaaq” ka bixi.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this