Sign in to follow this  
Deeq A.

Axmed Madoobe oo dalab hordhigay Uhuru Kenyatta

Recommended Posts

Deeq A.   

Kismaayo (Caasimada Online) – Hogaamiyaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa markii ugu horeysay sheegay in lagama maarmaan ay tahay in Somalia iyo Kenya ay iska kaashtaan dhinacyada muhiimka ah.

Axmed Madoobe waxa uu si gaara u sheegay inay muhiim tahay in xooga la saaro xiriirka ku qotoma Nabadgalyada, Caafimaadka iyo Xiriirka bulshooyinka ku nool soohdinta ay wadaagan Jubbaland iyo Kenya.

Axmed Madoobe, ayaa dowladda Kenya ka dalbaday  in ay dib u furto wakhti dhow xuduudka, si noloshu ay u noqoto mid isku xiran dadkuna ay dhaq dhaqaaq u samayn karaan.

Madoobe, waxa uu sheegay in dowlada Kenya laga doonayo in waxyaabaha qaar ay u eegto baahida, waxa uuna carab ***** inuu rumeysan yahay in labada dhan midba midka kale uusan ka maarmeynin.

“Kenya waxa aan ka dalbaneynaa in si dhaqsi ah ay ku bedesho go’aanka ay ku xirtay xadka kala dhexeeya Somalia, waxa aan ahmiyad u aragnaa inay muhiim tahay in la furo xadka oo dadku ay isu gooshan”

Axmed Madoobe ayaa hadalkan ka sheegay Shir  maalmahan ka socday magaalada Kismaayo oo lagaga hadlayay sidii wasaaradaha caafimaadka Jubbaland iyo Kenya ay isaga kaashan lahaayeen badqabka dadka ku nool degaanada xuduudka.

Haddalka Axmed Madoobe ayaa kusoo beegmaya xili dowlada Kenya ay dhawaan sheegtay in maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab ay gabaad ka dhigtaan xadka kala dhexeeya Somalia.

Caasimada Online

Xafiiska Kismaayo

Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this