Sign in to follow this  
Deeq A.

Sarkaalkii Al-Shabaab u qaabilsanaa qaraxyada Muqdisho oo gacanta lagu dhigay

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska hay’adda nabad sugida iyo sirdoonka qaranka Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in howlgal ka dhacay xaafad ka tirsan magaalada Muqdisho lagu qabtay xubin sare oo ka tirsanaa maleeshiyada kooxda Al-Shabaab.

Howlgalka ayaa waxa uu ka dhacay, sida barta twitter-ka hay’adda lagu shaaciyey, xaafadda Ex-Kontorool habeenimadii xalay, isla markaana ay gacanta ku dhigeen khabiir dhinaca qaraxyada u qaabilsanaa Al-Shabaaab.

Howgal saacada qaatay oo si taxadar leh loosii qorsheeyay, kana dhacay agagaarka X-koontarool Mogadishu, ayaa lagu soo qabtay xubin AS oo ahaa Khabiir dhanka qaraxyada, habeynimada 27-ka Sabtember. Howlgalka cidi wax kuma noqon. Nagu garab istaag ka hortaga cadowga.

— NISA (@HSNQ_NISA) September 28, 2018


“Howgal saacada qaatay oo si taxadar leh loosii qorsheeyay, kana dhacay agagaarka Ex-koontarool Muqdisho, ayaa lagu soo qabtay xubin AS [Al-Shabaab)] oo ahaa khabiir dhanka qaraxyada, habeynimada 27-ka sabtember. Howlgalka cidi wax kuma noqon. Nagu garab istaag ka hortaga cadowga” ayaa lagu yiri qoraalka NISA.

Hay’addu ma shaacin magaca xubintaas ka tirsan Al-Shabaab, sidoo kalena ma bixin faa faahin intaasi dheeraad ah oo ku saabsan howlgalka lagu soo qabtay xubin ka tirsanaa Al-Shabaab.

Hay’adda NISA ayaa maalmihii dhowaa sare u qaadday howl-gallada ay ka fuliso magaalada Muqdisho, kuwaasi oo lagu soo qabtay xubno badan oo Shabaab ah. 19-kii bishan ayaa u dambeysay, markaasi oo ciidamada ay degmada Dharkeynley kasoo qabtay laba xubnood oo ka tirsanaa Amniyaatka ama sirdoonka Al-Shabaab.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this