Sign in to follow this  
Deeq A.

Banaadir: Akhriso Magacyada Iskuullada Ay Dowladda Maamuli-doonto

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay la wareegtay 24 iskuul oo ku yaalla gobolka Banaadir, sidaasi waxaa sheegay  Wasiirka waxbarashada xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulahi Goodax Barre.

“Maanta waxaan ku guuleysanay inaan la soo wareegno 24 iskuul oo ku yaalla gobolka Banaadir, maanta wixii ka dambeeya, waxaa masuuliyadooda qaadeysa wasaaradda waxbarashada hiddaha iyo tacliinta sare ee xukuumadda federaalka Soomaaliya”

Iskuullada maanta wasaaradda waxbarashada xukuumadda federaalka ay la wareegay ayaa kala ah Kaaraan, Godey, Cabdi casiis, Gaashaanle, 11 janaayo, Bartamaha, Wiil waal, Bartanaha, Yaasiin cismaan, Agoonta Boondheere, Maxamuud mire, Hanti wadaag, Howlawadaag, Xasan khaliidi, Cali xuseen, Jabuuti, Deyniile, Maxamuud Hilowle, Axmed waayeel, Ex aqoon darsed, 21 November, 20 December, Agoonta wiilasha kaaran, iyo Macalin jaamac.

Dowladda ayaa dhowaan soo saartay manhaj cusub, waxaana lagu wadaa in iskuulladaas lagu bilaabo dhaqan-gelinta.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this