Sign in to follow this  
Deeq A.

Kenyatta oo shirka QM ka sheegay 2 arrin oo u diidan inay iska caabiyaan Shabab

Recommended Posts

Deeq A.   

New York (Caasimadda Online) – Xilli ciidamada Kenya ee duullaanka ku jooga dalka Soomaaliya ay wajahayaan dhiigbax joogta ah ayna ku adagtahay in ay dagaalka sii wadaan waqti dheer ayay xukuumadda Nairobi taageero ka dalabtay ‘Beesha Caalamka’.

Uhuru kenytatta ayaa waxa loogu yeero Q.Midoobe ka codsaday in dowladdiisa ay taageero dhaqaale iyo mid melleteri siiyaan si ay uga adkaato wax uu ku sheegay Argagaxiso.

isagoo Khudbad ka jeedinayay shirka Golaha ammaanka ee magaalada New York ayuu sheegay in dowladda Kenya ay wajaheyso culeysyo dhanka dhaqaalaha iyo melleteriga ah si ay isaga caabiso xarakada Jihaadiga ah ee Al Shabaab, markii uu khudbadda dhameeyay ayuu kulamo gaargaar ah laqaatay madaxweynayaal reerglabeed ah dhammaantoodna wuxuu ka codsaday in ay ka taageeraan dagaalka ciidamadiisu uga jiraan Soomaaliya.

Tallaabadan ay Kenya ku codsatay taageero caalami ah ayaa kusoo aadaysa xilli Al Shabaab ay sare uqaadday weerarada ay ka fulinayso gudaha wadanka Kenya iyo qaraxyada  iyo weerarada tooska ah oo ay melleteriga Kenya ugu geysanayso gobollada Gedo iyo Jubbada Hoose.

Xildhibaanno iyo siyaasiyiin Kenyaan ah ayaa iyana xukuumadda ku cadaadinaya in ay ciidamadeeda kalasoo baxdo Soomaaliya si wax looga qabto ammaanka gudaha wadankaasi.

Melleteriga Kenya ayaa kusoo biiray Ciidamada AMISOM sanaddii 2011 wuxuuna ku lug lahaaday xasuuq dad shacab ah loogu geystay gobollo dhaca Koonfurta dalka.

Weerarkii ugu cuslaa oo Kenya ay kala kulantay Kooxda Al-Shabaab gudaha Soomaaliya wuxuu ahaa midii guutooyin katirsan ciidamadeeda cagta lagu mariyay deegaannada Ceel Cadde iyo Kulbiyoow.

Caasimada Online
Xafiiska New York
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this