Sign in to follow this  
Deeq A.

Magaca iyo dalka uu kasoo jeedo sarkaal ajnabi ahaa oo Al-Shabaab laga dilay

Recommended Posts

Deeq A.   

Marka (Caasimadda Online) – Ciidanka Xoogga Dalka oo dhawaan howgallo ay ka fuliyeen Deegaanka Jilib Marka ee Gobolka Shabeelaha Hoose waxay ku dileen 16 maleyshiyaad ah oo uu ku jiro horjooge sare oo ka tirsan Ajaaniibta Kooxda Alshaab.

Taliyaha Qeybta 12 April ee Ciidanka Xoogga dalka sareeye guuto Cumar Dheere oo la hadlay Idaacadda Ciidamada Qalabka sida ayaa xaqiijiyay in howlgalka degaanka Jilib marko lagu dilay horjooge u dhashay dalka Afgaanistaan, kaasi oo lagu magacabo Naasir Aljaabiri.

Abaandullaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya sareeye guuto Odowaa Yuusuf Raage oo goob fagaaro ah kula hadlay dadka ku nool deegaanada Al-shabaab laga saaray ee hoostaga dagmada Marka ayaa sheegay in ay dhamaatay hantidii baadda ahayd ee Al-shabaab ka qaadi jireen shacabka ku dhaqan deegaanadaasi.

Sareeye guuto Odowaa Yuusuf Raage ayaa waxa uu tilmaamay in dagaalka lagu xoreeyay degaanadan lagu dilay horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsan Al-shabaab, islamrkaana howgaladan ay sii socon doonaan inta laga xoreynayo deegaanada wali ku harsan gacanta kooxdan Argagixsada ah.

Shacabkii dhibka ku qabay marista Wadada u dhaxeysa Muqdisho iyo Marko ay aad u soo dhaweeyeen dhibka laga dulqaaday, islamarkaana hadda Xaaladda deegaandii laga xoreeyay Al-shabaab ay deggan yihiin.

Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya ayaa howgallo ka wada deegaanada ku harsan Gacanta Kooxdan arxanka daran ee Alshaab iyagoo dilay horjoogyaal iyo Maleeshiyaad ka tirsan Kooxdaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this