Sign in to follow this  
Deeq A.

Shabaab oo dhaq-dhaqaaq militari ka bilawday qeybo kamid ah Puntland kadib hadalkii Gaas

Recommended Posts

Deeq A.   

Bosaaso (Caasimadda Online) – Ururka Al-Shabaab ayaa bilaabay dhaq-dhaqaaq Militari oo xoog leh oo ay ka wadaan qeyb kamid ah deegaanada Maamulka Puntland.

Qeybo kamid ah Buuraha Galgala ayaa waxaa laga dareemayaa dhaqdhaqaaq ay wadaan ciidamo loo malaeenayo inay Shabaab ka tirsanayeen kuwaas oo indha duubtay.

Lama ogo illaa hadda ujeedada ka dambeyso dhaqdhaqaaqaas iyo ujeedada ka dambeyso waxayna arrintaan kusoo aadeysaa kadib hadalkii dooda badan dhaliyey ee uu Cabdiweli Gaas sheegay, ee ka dhanka ahaa Al-Shabaab u sheegay inay ka yimaadeen Baay iyo Bakool.

Hadalka uu jeediyey Cabdiweli Gaas ayaa ahaa: “Wiil ka yimid Xudur, Diinsoor iyo Buurhakaba, oo kaba dacas ah qaba inuu inta idiin yimaado nagu xukumo dalkayagii, suurtagal ma ahan, caqlina ma ahan, lamana yeeli karo.”

Qaar ka tirsan dadka deegaanka oo la hadlay Shabakadda Caasimadda Online ayaa xaqiijiyey inay arkeyn ciidamo aad u badan oo ka tirsan Al-Shabaab kuwaas oo u eg inay yihiin weerar.

Al-Shabaab ayaa muddo badan ku jiro Buurahaas waxayna dhawr jeer dagaalameyn ciidamada Maamulka Puntland oo weli ku guuleysan la’ inay buurahaas ka saaraan Al-Shabaab.

Ururkaan ayaa dhawr jeer weerar kusoo qaaday Saldhigyo ay ciidamada Puntland meelahaas ku leeyihiin waxaana mararka qaad u suurtagasho inay gacanta ku dhigaan.

Sidoo kale waxaa Magaalada Boosaaso maalmihii dambe kusoo badanayey dilalka ay geysanayaan kooxo hubeysan oo aan la garaneyn inay ka tirsan Yihiin Shabaab ama Daacish waxaana ugu dambeysay dilkii maalmo ka hor loogu geystay laba ka tirsan ilalaalada Cabdiweli Gaas oo aan waqtigaas ka fogeyn halka uu dilka ka dhacayey.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this