Deeq A. Posted September 26, 2018 Waxaa maanta baaqday kulan xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ay ku yeelan lahaayeen xarunta Golaha shacabka ee Muqdisho. Kulankaasi ayaa lagu waday in looga doodo arimo la xariira xeer hoosaadka Baarlamaanka Soomaaliya uu ku shaqeeyo. Kulankaasi ayaa u baaqday kooram la’aan iyaga oo aan soo xaadirin tiradii Xildhibaanada laga doonayay in ay kulankaasi ka soo qeeybgalaan. Gudoonka Baarlamaanka ayaa ku dhawaaqay in uu baaqday kulankii Baarlamaanka ee maanta oo arbaco ah. Waxaa xusid mudan in markii ugu horeeysay xarunta Baarlamaanka laga aqriyay magacyada xildhibaanada shirka ka maqnaa. Waa markii ugu horeeysay ee uu baaqdo kulan kamid ah kalfadhiga 4-aad ee Baarlamaanka Soomaaliya. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Kulankii Baarlamaanka maanta oo Baaqday appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites