Deeq A. Posted September 26, 2018 Qaar kamid ah haweenka beesha West Burco Clan ee ku nool magaalada Ceerigaabo ayaa sheegay in xukuumadda Muuse Biixi ay beegsi ku hayso ragoooda,waxaana ay taageero buuxda u muujiyeen jabhadda u hoggaamiyo Korneyl Caarre ee ku sugan qeybo kamid ah gobolkaasi. Haweenkan oo hengel cas(Asay)madaxa ku xidhay ayaa sheegay in maamulka Muuse Biixi uu dagaal qaawan ku qaaday beesha West Burco Clan,islamarkaana uu amar ku bixiyay in la laayo saraakiil ciidan oo ka soo jeeda beesha,kuwaasoo horay uga goostay militariga Somaliland,kuna biiray jabhadda uu hoggaamiyo Korneyl Caarre ee la baxday”Xoreynta Somaliland”. Haweenku waxay intaas ku dareen in ilaa lix kun oo dhalinyaro ka baxday gobolka Sanaag ay ku biireen jabadda Caarre kadib markii ay u dulqaadan waayeen dulmiga joogtada ah ee maamulka Muuse Biixi ku hayo beesha West Burco Clan,sida ay hadalka u dhigeen. Sidoo kale waxay sheegeen in ay taageero buuxda u yihiin raga beeshaas u dhashay ee duurka u galay dagaalka ka dhanka ah xukuumadda Muuse Biixi,maadaama looga garaabi waayay caddaalad-darrada iyo dulmiga ay tirsanayan. PUNTLAND POST The post Ceerigaabo: waxaanu taageersannahay jabhadda Caarre appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites