Sign in to follow this  
Deeq A.

PUNTLAND oo raali-gelin ka bixisay hadalkii Cabdi Weli Gaas uu ugu gefay beelaha

Recommended Posts

Deeq A.   

Garoowe (Caasimada Online) – Qoraal ka soo baxay Madaxtooyada Puntland ayaa raali gelin looga bixiyay hadal ka soo yeeray Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Gaas, kaasi oo ka dhan ah dadka ka soo jeeda Maamulka Koofur-Galbeed Soomaaliya.

Qoraalka ka soo baxay Madaxtooyada Puntland ayaa si gaar ah waxaa raali gelinta buuxdaloogu diray Maamulka iyo Shacabka Koofur-Galbeed hadalkii Madaxweyne Gaas ee ku jiray khudbad uu uga hadlayay Al-Shabaab.

Baraha ay bulshada ku wada xiriirto ayaa maalmihii la soo dhaafay waxaa si weyn la isula dhexmarayay dood kulul oo ka dhalatay hadal uu jeediyay madaxweynaha maamul goboleedka Puntland, Cabdiweli Cali Gaas.

Waxa uu Cabdiweli Cali Gaas yiri “Wiil ka yimid Xudur, Diinsoor iyo Buurhakaba, oo kaba dacas ah qaba inuu inta idiin yimaado nagu xukumo dalkayagii, suurtagal ma ahan, caqlina ma ahan, lamana yeeli karo.”

Hadaba hoos ka akhriso qoraalka ka soo baxay Madaxtooyada Puntland

1.Koonfur-Galbeed.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this