Dalmar1

World Bank and IMF both approved Somalia's debt relieve, World Bank to loan Somalia $80 Million

Recommended Posts

Dalmar1   

the-world-bank-585x330.jpg

 

Washington (Caasimada Online) – Bankiga Adduunka ayaa ansixiyey lacag 80 milyan oo dollar ah oo dayn ahaan loo siinayo Soomaaliya, si ay ugu maal-geliso is-beddelada maaliyadeed ay waddo dowladda, waana dayntii ugu horreyey ee Soomaaliya loo ansixiyo muddo 30 sano ah.

Bankigan oo fadhigiisu yahya magaalada Washington ayaa hakiyey xiriirkii Soomaaliya sanadii 1991-kii, balse waxa uu dib u billaabay taageerada Soomaaliya sanaddii 2003, ayada oo xiriir toos ahna uu la sameeyey dowladda Soomaaliya sanaddii 2013.

Guddiga Bankiga ayaa ansixiyey lacag $60 milyan ah oo loogu talo-galay mashruuca dib u habeynta maaliyadada Soomaaliya iyo $20 milyan oo loogu talo-galay mashruuca xoojinta awoodda dakhliga gudaha.

“Dayntan waxa ay taariikh muhiim ah u tahay horumarka iyo dib u dhiska Soomaaliya” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Bankiga Adduunka.

Bankiga Adduunka ayaa sidoo kale sheegay inuu kala shaqeyn doono dowladda federaalka horumarinta adeegyada ay ka midka yihiin waxbarashada, caafimaadka, helista biyo nadiif ah, iyo maal-gelinta dadweynaha.

Bankiga adduunka ayaa dhinaca kale sheegay inuu rajeynayo in dhaqaalaha Soomaaliya uu kordho inta u dhaxeysa 3.5 illaa 4.5 boqolkiiba inta u dhaxeysa sanadaha 2019 illaa 2022.

“Ayada wax soo saarka beeraha uu yahay isha dhaqaale ee ugu muhiimsan Soomaaliya, ayaa haddana waxaa mar walba dhibaateeya arrimo lama filaan ah, sidaas darteedna waxa ugu weyn ee dhaqaajin doona gacansiga Soomaaliya ayaa  ah maaliyadda, gaadiidka iyo isgaarsiinta” ayuu yiri Bankiga.

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.