Sign in to follow this  
Deeq A.

Arrin cusub: Kenya oo ka qeylisay dhaawacyada Al-Shabaab oo lagu dhex daweeyo dalkeeda (Iiiska Isbitaalad)

Recommended Posts

Deeq A.   

Nairobi (Caasimada Online)-War ay soo saartay dowlada Kenya ayaa waxaa lagu sheegay inay jiraan Isbitaalo ku yaala dalka oo lagu daweeyo dhaawacyada maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab.

Warbixintaan oo aad u dheered ayaa waxaa lagu sheegay in Isbitaaladaasi uu xiriir kala dhexeeyo Al-Shabaab kaa oo ku eg daweynta Al-Shabaabka ku dhaawacma weerarada ka dhaca Kenya.

Hay’adaha amaanka Kenya oo qeyb ka ah  warbixinta ayaa sheegay in digniino gaara ay u dirayaan Isbitaallada ku yaalla degaannada Lamu, Tana River, iyo  Garissa oo lagu hoyaadiyo dhaawacyo dhowr ah oo ay leeyihiin Al-Shabaab.

Isbitaaladaasi ayaa la sheegay in ay daweeyaan dadka ka tirsan Al-Shabab ee ku dhaawacma dagaalka ay kula jiraan Ciidanka Kenya.

Booni Joseph Kanyiri oo ah Agaasimaha howlgalka ciidamada Keynya oo isagana la hadlay saxaafada ayaa sheegay in ay heleen xog ku saabsan in Isbitaallada qaar daweeyan dhawacyada Al-shabaab, xitaa qaarkood loo qaado Isbitaalo ku yaala gudaha Kenya.

Booni Joseph Kanyiri, ayaa si cad u sheegay in Al-Shabaabka lagu daweyay isbitaalada kor ku xusan ay dhamaantooda ku dhaawacmeen dagaal Khamiistii lasoo dhaafay dhexmaray Ciidanka  Kenya iyo Al-Shabab.

Sidoo kale, macluumaadkasi ayuu sheegay inay ka heleen dharcad laga hirgaliyay deegaanada ay ku yaalan Isbitaalada kor ku xusan ee lagu daweeyay Al-Shabaabka.

Dhinaca kale, waxa ay dadka deegaanka ka codsadeen inay la socdaan dhaqdhaqaaqa Al-Shabaabka iyo dadka aan la muuq aqoon ee deegaanadooda ku cusub.

Caasimada Online

Xafiiska Nairobi

Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this