Sign in to follow this  
Deeq A.

Dal Konfurta Afrika ku yaal oo heegan ku jira ayadoo laga sugayo Al-Shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Maputo (Caasmadda Online) – Waxaa wadama dhaca koonfurta Qaaradda Afrika oo Mozambique ugu horeyso  ciidankooda amaanka ay geliyaan heegan buuxa, kadib markii la sheegay in Al-shabaab halkaasi ku fideen.

Hay’adda International Crisis Group (ICG ) ayaa soo saartay warbixin ay kaga hadleyso dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab ee Wadamada Kenya iyo Uganda.

Warbixintaan ayaa waxaa lagu soo aadiyey Shan sano kadib markii uu dhacay weerarkii Khasaaraha badan geystay ee Westgate ee magaalada Nairobi. Weerarkaas ayaa waxaa lagu dilay ilaa 67 qof iyadoo ay Al-Shabaab heyteen xarunta ilaa Afar maalmood.

Weerarkaas ayaa muujiyey awoodda ay Al-Shabaab u leedahay inay weeraro ka geysato meelo ka baxsan Soomaaliya isla markaasna ay la wareegto xarun weyn oo ganacsi.

ICG ayaa warbixinteeda xoogga ku saartay sida ay tahay khatarta Al-Shabaab ee Gobolka Afrikada Bari iyo waxyaabaha iska badalay dhanka Amniga .

Hey’adda ayaa xustay inay Al-Shabaab u wareegsadeyn Wadanka Tanzania halkaas oo ay ku sugan tahay koox kale oo Argagixiso kadib qorshahaan cusub oo ka hirgalay Wadamada Kenya iyo Uganda.

Tanzania waxaa ka jirta koox araggaxiso ah oo Al-shabaab loogu yeero lana sheegay in ay xirriir la leeyihiin Al-shababka Soomaaliya ka daaalama.

 Ciidanka Wadanka Mozambique kuwooda xuduudaha ayaa lagu sameeyay is bdedel sida laga xigtay saraakiil ka titsan milatriga dalkaasi .

“Waan badalnay habkii sugitanka amniga xuduudadaha dalkeena gaar ahaan mida aan Tanzania la wadaagno ayuu yiri sarkaal sare oo ka tisran Militariga Mozambique.”.

Wadanka Maali aya sidoo kale lagu soo waramayaa in ay sameyeen is bdedlka dhanka Ciidamada  xuduudaha , waxana dhamaan tani ay la xiriirtaa Khatarta Al-shabaab iyo cabsida laga qabo oo sii kordheysa.

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenya oo maanta la kulmay xoghaya guud ee qaraamnada midoobey ayaa sheegay in loo baahanyahay in dalalka Afrika laga garab siiyo ciribtirka Argagixisada oo uu sheegay in ay saameeyeen ku yeeshen Nolasha Bulshada Afrika.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this