Sign in to follow this  
Deeq A.

Shaqaalaha shirkadaha ee Muqdisho oo ugaarsi lagu hayo iyo cida ka dambeysa

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Koox hubeysan ayaa maanta magaalada Muqdisho ku dishay mid ka mida shaqaalaha shirkadda Isgaarsiinta SOMTEL oo ahaa wiil dhalinyaro Aqoonayahan ah. Maxamuud Cabdi Maadhiin ayaa dilkiisu ka dhacay agagaarka masjidka Xareed, Suuqa Bakaaraha ee degmada Howl-wadaag.

Kooxdii dilka geysatay ayaa goobta ka baxsaday, iyadoo aan la ogeyn sababta dilkiisa, inkastoo dilkiisa ay kasoo baxayaan warar kala duwan.

Marxuumka ayaa ka mid ahaa dhalinyarada Jaamacadaha Muqdisho wax ka baratay, isagoo u shaqeynayey shirkadda isgaarsiinta SOMTEL.

Wuxuu Shirkadda u qaabilsanaa Dhanka Maaliyadda waxaana la dilay xilli uu u socday shaqadiisa sida ay noo xaqiijiyeen dad qaraabadiisa ah.

Dilka maanta ayaa dhacay ayada oo maalmihii dhoaa magaalada Muqdisho au kusoo badanayeen dilalka loo geysanayo Mas’uuliyiinta ka shaqeeyo Shirkadaha waaweyn ee ku yaal Muqdisho.

Warar xog ogaal ah ayaa sheegaya in dilalkaan ay ka dambeyso Kooxda Daacish oo lacago baad ah ka rabto ganacstada.

Kooxdaan ayaa tooganeyso cid kasta oo ka tirsan shirkaddii diido inay bixiso lacagtaas, waxaana muuqato inay kooxdaan dooneyso in looga cabsado sida Al-Shabaab oo kale taasoo iyadana markii ay soo caan baxeyso ganacsatada dili jirtay si aan loogu diidin lacagaha baadda ah.

Kooxda AL-Shabaab ayaa hadda yareysay dilka ganacstada maadaama ay u suurtagashay wixii ay dooneyso oo ah inay dhammaan ganacstada ka qaado lacago, waxaana muuqato in Daacish ay rabto in looga dambeeyo sida Al-Shabaab oo kale.

Bishaan gudaheeda ayey aheyd markii Suuqa Bakaaraha dhexdiisa lagu rasaaseeyey Mas’uul ka tirsan Shirkadda AMAL kaasoo hadda ah dhaawac aad u liito oo lagu daaweenayo dalka Debadiisa.

Illo wareedyo ayaa noo xaqiijiyey in Shabaab ay AMAL u xaqiijiyeen inaysan dilkaas shaqo ku laheyn, taasoo ah shakiga weyn ee kaanayo inay howsha dilka ganacsatada ay wado Kooxda Daacish inkastoo aan loo heyn xaqiiq dhan ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this