Sign in to follow this  
Deeq A.

Shuute oo si geesinimo ah u hadlay “Dhibka Muqdisho waa ciidamada DF” + Dhageyso

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Guddoomiyaha Maxkamadda darajada 1aad ee Ciidanka Qalabka Sida Xasan Cali Nuur SHuute ayaa ka hadlay dilalka ay Muqdisho ka geysteen Ciidamada dowladda todobaadyadii la soo dhaafay.

Guddoomiye Xasan Cali Nuur ayaa dowladda Federaalka ah ku eedeeyay in Ciidamada Milatariga ay ku dhex heyso Magaalada islamarkaana ay amaan darrada magaalada qeyb ka yihiin.

Waxaa uu sheegay in Ciidamada Milatariga haddii loo diri lahaa aagagga hore ee dagaalka aysan Magaalada dhib ka geysan lahayn oo aysan dili lahayn dadka shacabka ah.

Waxaa uu tusaale u soo qaatay Askartii Muqdisho ku dishay Gabadha 9 jirka ahayd,kuwii dilay wiilka Bajaajlaha ahaa iyo kuwii dilay wiil watay Gaari nooca Raaxada ah.

Waxaa kale oo uu Xasan Cali Nuur Shuute ka hadlay dil loo geystay Gabar dhiganeysay Jaamacad ku taalla Muqdisho oo inta Fasalka loogu galay laguna dhexdilay.

“Gabar Fasalkeeda dhiganeysa oo jaamacad Ku jirto, weliba diinta Islaamka baraneysa in la kor tagaa oo la dilaa fadhigeenna keenay, Ciidan gaadiid wata oo Magaalada dhex jooga rasaas inay ku furaan baabuurka ka horeeya iyo midka ka dambeeya ciidanka Magaalada lagu dhex haayo ayaa sabab u ah.” ayuu yiri Shuute.

Xasan Cali Shuute ayaa sheegay in inta Ciidamada Milatariga ay ku jiraan gudaha ay fursad helayaan kuwa faldamiyeedyada geysta sida tuugonimada iyo in Al-shabaab aan culeys la saarin oo ay dadka shacabka ah ku dilaan Muqdisho.

Wuxuu sheegay ciidamada inay u baahan yihiin hoggaamin iyo in la dagaal galiyo, balse aysan u baahneyn in Magaalo lagu dhex haayo, haddii Magaalada lagu dhex haayana ay dhacayaan falalka hadda dhaca.

https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2018/09/Xasan-Cali-Nuur-Shuute.mp3

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this