Deeq A. Posted September 25, 2018 Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xalay Muqdisho uga qeeybgalay ciyaarta finalka ee tartanka degmooyinka gobolka Banaadir oo sanadkii labaad xili habeen ah la qabtay. Finalka Tartanka ayaa waxaa isugu soo haray Kooxaha degmooyinka Waabari iyo Shibis ee gobolka Banaadir. Kooxda degmada Waabari ayaa ku guuleeystay koobkaasi kadib markii 1-0 ay uga badiyeen dhigooda degmada Shibis. Madaxweyne Farmaajo ayaa u hambalyeeyay kooxda Waabari ee guuleeystay isaga oo sidoo kale bogaadiyay dadaalkii iyo ciyaar wanaagii ay muujiyeen ciyaartooyda Degmooyinka Shibis iyo Hodan oo galay kaalimaha 2aad iyo 3aad ee tartanka Degmooyinka Gobolka Banaadir. Madaxweynaha ayaa ugu dambeeyntii gudoonsiiyay koobka degmada Waabari ee gobolka Banaadir oo sandkii labaad ku guuleeystay koobkaasi. Puntland Post The post Madaxweyne Farmaajo oo koobka Gudoonsiiyay Kooxda Waabari appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites