Deeq A. Posted September 25, 2018 Cabdikariim Shiikh Muuse Qalbi-dhagax oo kamid ah saraakiisha ONLF ayaa goordhow gaaray magaalada Hargeysa ee xarunta Somaliland. Qalbi-dhagax ayaa soo dhoweyn baraalan loogu sameeyay magaalada Hargeysa uu oo gaaray goordhow. Dadweyne xidhan calanka Soomaalida Itoobiya ayaa soo dhoweysay Cabdikariim Shiikh Muuse Qalbi-dhagax, sidoo kale soo dhoweynta waxaa ka qeyb galay masuuliyiin ka tirsan maamulka Somaliland iyo xisbiyada mucaaradka. Cabdikariim Qalbi-dhagax oo la hadlay warbaahinta ayaa ka mahad ciliyay soo dhoweynta loo sameeyay, isaga oo sheegay in uu ku faraxsan yahay imaatinka uu yimid Hargeysa. Waxaa uu sheegay in sidoo kale xubno ka tirsan ONLF ay Hargeysa iman doonaan “Waxaan salaan idiinka sidaa madaxda jabhadda ONLF oo maalmaha soo socda Hargeysa iman doona” ayuu yiri Qalbi-dhagax. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post The post Qalbi-dhagax oo gaaray Hargeysa appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites