Sign in to follow this  
Deeq A.

XFS oo shaacisay sababta dadka shacabka ah ay Al-Shabaab ugu doontan GARSOORKA

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Ra’isul wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Somalia Mahdi Maxamed Guuleed Khadar oo wareysi siinayay HCTV ayaa ka hadlay arrimo badan oo ku saabsan xaalada dalka iyo garsoorka.

Mahdi Maxamed Guuleed, waxa uu sheegay in dowlada Somalia ay xooga saarto sida looga gudbi lahaa dhibaatooyinka ka jira dalka, waxa uuna qiray inay jiraan khaladaad badan.

Waxa uu tilmaamay inay jiran waxyaabo badan oo lagu dhaliilo dowlada Somalia kuwaa oo laga gaabiyay wax ka qabashadooda.

Ra’isul wasaare ku-xigeenka waxa uu tusaale usoo qaatay Garsoor xumi ka dhex jirta dalka waxa uuna sheegay in shacabka Soomaaliyeed cabsi darteed ay garsoor ugu doontaan Al Shabaab.

Wuxuu sheegay mas’uuliyadda muwaadinka Soomaaliyeed ka saaran dowladda inay tahay in ammaankiisa ay sugto, muwaadinka isagana laga doonayo inuu naftiisa mas’uul ka noqdo oo uusan u tagin marka ay Shabaab u yeeran.

Waxa uu qiray Al Shabaab in aysan ka shaqeyn cadaalad, balse shacabka ay u tagaan cabsi ay ka qabaan darteed, marka laga soo waco telefoonada ay wataan, sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu Mahdi Maxamed Guuleed carab ***** in arrintaasi ay mas’uuliyad ka saran tahay BFS, mucaaradka DF iyo shacabka Soomaaliyeed keliya aanan xukuumadda lagu dhaliil karin, wuxuuna ku baaqay in hawshan si wadajir ah looga wada shaqeeyo.

Nuqul kamid ahaa hadalkiisa ayaa ahaa “Waa inaan is weydiinaa marka ugu horeysa yaa leh dhaliisha ah Al Shabaab garsoor yaan loo tagin ama haloo tago, Al Shabaab marka ay ku soo wacaan mas’uuliyadda dowladda ka saarsan waxa weeye inay ammaankaada ilaaliso, qofkana waxaa laga doonayaa inuu iska diido”

“Baarlamaanka iyo shacabka Soomaaliyeed ayay mas’uuliyad ka saaran tahay arrintan sidii wax looga qaban lahaa balse anigu maqabo in cabsi aawgeed loogu tago Al-Shabaab.”

Sidoo kale, Mahdi Maxamed Guuleed waxa uu qiray inay badan yihiin isla markaana la socdaan inay sii kordhayaan dadka u garsoortaga Al-Shabaab ee ku dhaqan magaalada Muqdisho iyo Gobolada dalka.

Haddalka Ra’isul wasaare ku-xigeenka ayaa kusoo beegmaya xili Xildhibaano badan ay dowlada ku dhaliishay inay sabab u tahay in shacabka ay garsoor u doontaan Al-Shabaab.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this