Deeq A. Posted September 25, 2018 Maxamuud Cabdi Maadhiin Oo ahaa dhalinyaro ka tirsanaa shaqaalaha shirkadda isgaarsiinta SOMTEL ayaa maanta lagu dilay agagaarka masjidka Xareed, Suuqa Bakaaraha ee degmada Howl-wadaag, Muqdisho. Lama oga sababta dhabta ah, qaar ka tirsan shaqaalaha shirkadda oo la hadlay Goobjoog News waxaa ay sheegeen inuu dhac Mobile ahaa, markii uu diidayna sidaasi loo dilay. Kooxda dilka geysatay ayaa la sheegayaa inay goobta ka baxsadeen Dilalka ayaa ku soo badanaya magaalada Muqdisho, mana jirto dad oo qabto arrimahaas. Goobjoog News Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites