Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Maxaa xarunta NISA ku dhex-maray Zakariye iyo Dr. Gacal ka hor xarigiisa?

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Xog dheeri ah ayaa kasoo baxaysa xariga taliyaha hoggaanka caafimaadka NISA, Dr. Xasan Axmed Maxamed Gacal oo ay ciidamada hay’adda nabad sugidda iyo sirdoonka qaranka ay habeenkii sabtida kala baxeen gurigiisa oo ku yaalla magaalada Muqdisho.

Xog gaar ah oo ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in xariga Dr. Gacal uu ka dambeeyo taliyaha qeybta sirdoonka NISA, Zakariye Ismaaciil Xirsi.

Ilo-wareedyo ka tirsan NISA ayaa Caasimada Online u sheegay in maalmo ka hor inta aan la xirin Dr. Gacal uu muran xooggan dhex-maray isaga iyo Zakariye, kaasi oo la xiriiray xubno Shabaab ah oo NISA u xirnaa oo la sii daayey.

Xubnaha oo la sheegay inay ahaayeen laba sarkaal, oo ayaga oo dhaawac lasoo qabtay, ayaa waxaa daweynayey Dr. Gacal, waxaase la sheegay inuu mar qura waayey, kadibna markii uu weydiiyey loo sheegay in lagu sii daayey amarka Zakariye Ismaaciil Xirsi. Gacal iyo Zakariye ayaa la sheegay in kadib uu dhex-maray muran xooggan, ayada oo Gacal uu ku hanjabay inuu arrintan shacabka usoo bandhigi doono.

Ka hor inta aan loo magacabain hoggaanka sirdoonka NISA, Zakariye Ismaaciil Xirsi, waxa uu ahaa madaxa amniyaatka Al-Shabaab, waxaana kadib uu isku dhiibay dowladda, ayada bilo kadibna uu ku biiray hay’adda NISA.

Sidoo kale, Gacal ayaa dhowr toddobaad un ka hor lasii daayey markii sidan oo kale loo xiray, isaga oo aan wax eedeyn ah loo jeedin, waxaana jira isku day la doonayo in lagu beddelo gabar ay ilmo-adeer yihiin Zakariye, balse uu qabo nin ay shirkad yihiin agaasimaha NISA, Calool-Kuus.

Xarigiisa ayaa dad ku dhow rumeysan yihiin inuu ku lug leeyahay xogta badan ee uu hayo ee NISA iyo Shabaabka ku dhex jira. “Gacal waxaa la isku dayey in la aamusiyo, kadib markii la qarxiyey baabuurkiisa, markii uu ka bad-baadayna waa la xiray si uusan cidna ula hadal” ayuu yiri qof ku dhow oo codsaday inaan la magacaabin

Dad isaga ku dhow ayaa sidoo kale sheegay in qaraxiisa laga yaabo inay Shabaabka fuliyeen ayaga oo xog ka helaya xubno ku dhex jira hay’adda.

Xariga Dr. Gacal ayaa marka lagu daro warkii uu horey u sheegay agaasime ku xigeenkii hore ee NISA Cabdalla Cabdalla, ayaa waxaa cad in kooxda Al-Shabaab ay si buuxda ula-wareegtay hay’adda sirdoonka iyo nabad-sugidda qaranka Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this