Suldaanka

Interview with Deputy Prime Minister Mahdi Guuleed

Recommended Posts

gooni   

Waa codkar iyo wax tar alla og wuxuu dib ka noqon doono.

Wariyaasha koonfurta si kasta haddii wax loo barro ama ayaguba u bartaan hadalkoodu waa mudac qofka ay waraysanayaan ka dhex baxa.

Wuxuuna waraysigoodu u egyahay fadhi ku dirir iyo in lacag isbaaro laysku haysto.

Qofka hadday ku qaabilaan degenaan iyo waji furan waxay heli karaan sir badan oo asaga aqoontiisa wariyenimo kor u qaada wariyuhuna waa nooc ka mida sirdoonka.

Kuwa waqooyiga ciduna waxba kama taqaan wixii cawke allaha u naxariistee ka dambeeyay beeshoodana masoo dhaafaan.

Hadday u shaqo tagaan idaacadaha iyo tv'yada soomaalida ka dhaxaysa, laasim waa inay somaliland meel un nagasoo geliyaan

Tusaale

Hadday waraystaan shiikh kasoo jeeda gobolada waqooyi bisha ramadaan oo shaydaanku xirran yahay, markuu xadiiska dhameeyo waxay hadalkooda kusoo gabogabeeyaan

(Kaasi waxaa uu ahaa shiikh hebel oo ka mida culumada somaliland oo khadka telefonka iigu waramayay)

Halka culimada kale ee soomaaliyeed ay ku sheegaan gobolkuu joogo sida muqdisho garoowe gaal kacyo iwm

(Kaasi waxa uu ahaa shiikh hebel oo khadka telefonka iigu waramayay asagoo garoowe jooga)

Aragtidayda waxaan u qaatay inay ula jeedaan beec gayn ay isleeyihiin carrabka soomaalidu ha qabto erayga somaliland iyo soomaaliya.

Muxuu yahay farqiga u dhaxeeya alaab dukaan la dhigay ama macrad, haddii lagu qoro qiimihiisu waa 999$ iyo haddii lagu qoro qiimihiisu waa 1000$?

Farqigu waa hal doollar balse waa maan-gadid ama sir maskaxeed, si kale haddii loo dhigo waxay naga iibinayaan waa halkaa dollar oo laga jaray 1000$ sida  soomaaliya iyo somaliland.

 

 

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.