Sign in to follow this  
Deeq A.

Faallo: Isbadelka lagu saameeyey Maamulka iyo Taliska Booliska Gobalka Nugaal ma yahay mid la asiibay?

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Dawlada Puntland Dr.Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa maanta tigreeto xilalkii kaga qaaday Gudoomiyihii Gobalka Nugaal Cumar Cabdullaahi Faraweyne iyo Taliyihii qaybta booliska gobalka Gaashaanle sare: Cabdiraxmaan Faarax Warsame (Galangoole) isagoo xilalkaas u magacaabay masuuliyiin cusub.

Madaxweyne Gaas ayaa Gudoomiyaha cusub ee Gobalka Nugaal u magacaabay Cabdisalaan Xassan Xirsi(Gujir) halka uu taliyaha qaybta Booliska Gobalka uu si ku-meel gaar ah ugu magacaabay General: Muxiyadiin Axmed Aw-muuse.

Cabdisalaan Gurjir ayaa horay usoo noqday duqa caasimada Puntland markii ugu horeysay  ee ay Dawlada Puntland Golle degaan u samaysay degaamooyinka, halka Muxiyadiin Axmed Aw-Muuse ciidamada Puntland kasoo qabtay xilal kala duwan sida taliye ku-xigeenka ciidanka Booliska isagoo hadana ah taliyaha laanta ladagaalanka argagixisada.

Madaxweyne Gaas ma asiibay isbadelkan?

Inkastoo su’aashan dadku qaarba si uga jawaabayaan hadana waxaa la oran karaa isbadelkani waa mid mudo la sugaayey oo wakhtigiisii kasoo dib dhacay sababtoo ah Garowe oo ah magaaladda ugu weyn gobalka Nugaal mudaba waxaa ka jirey xaalado maamul xumo oo sababay amaan xumo waayadan kusoo korartay magaalada.

Duhur cad ayey bartmaha magaalada dhalinyaro abaabulan dadweynaha kaga qaadayaan mobilada iyo wixii kale ee ay sitaan, waxaa in mudo ahba magaalada faro kulul ku hayey ciidamo wata direyska ciidamada iyo dhalinyaro dharka shacabka xiran oo qoryo la dhex maraaya bartmaha caasimada kuwaas oo ah ciidamadii la isugu geeyey degaanka Tukaraq, mana jirin maamul iyo boolis magaaladda ka xakameeyey ciidankan hubka culus iyo midka fududba magaalada iskala soo galaaya.

Maxaa xligan kusoo beegay isbadelka?

Dadka reer Puntland qaarba si ayey u fisireen waxa xiligan kusoo beegay isbadelka uu madaxweyne Gaas kusameeyey maamulka gobalka iyo qaybta Booliska xili mudo xilleedkii Dawlada ay mudo kooban ka harsan tahay, wuxuuse isbadelkani kusoo aadey xili dhawaan Bulshadda Gobalka Nugaal kulan ay isugu yimaadeen tallo ku gaareen inay amaanka Gobalka gaar’aan caasimada Garowe isku-taagaan iyagoo aan maamul gobal, qayb boolis iyo Dawlad dhexe toona ku-tashanayn maamada lagu eedeyey inay ku guul-daraysteen shaqooyinkii loo igmaday.

Wax garadka Garowe oo hormuud u ahaa isku-tashigan ayaa go’aansaday in magaaladda loo sameeyo boqol askari oo boolis ah oo suga amaanka caasimada maadama doorashooyinkii Puntland fooda ina kusoo hayaan ayna magaalada kusoo kordheen falal aan horay looga aqoon oo amaanka ka dhan ah.

Ciidankan ayaa durba la diyaariyey waxaana laga qarameeyey ciidanka Booliska, waxayna wax garadka magaaladu go’aan ku gaareen inay ka madax banaanadaan taliska qaybta Booliska iyo Maamulka Gobalka Nugaal.

Hadaba isbadelkan cusub ayaa u muuqada mid uu Madaxweyne Gaas kaga jawaabey wallaacii dadweynaha xili uu arkay inay shacabku ka tashanayaan inay amaankooda ku halleeyaan maamulka uu Madaxweynaha ka yahay oo ku guul daraystay wax yaabihii dadweynuhu u igmadeen oo uu amaanku ugu horeeyey.

Arintan ayaa u muuqata tallaabo uu Dr. Gaas isku dayaayo inuu kusoo celiyo kalsoonidii dadweynuhu u hayeen Dawladiisa ay mudada kooban u hartay maadama uu isku diyaarinaayo inuu mar kale u tartamo kursiga uu hada ku fadhiyo.

Isku soo wada duubo masuuliyiinta la magacaabay oo ah kuwo horay loosoo tijaabiyey ayaa la rajeynayaa inay wax badan ka badeli doonaan maamulka iyo nabadgelyada Gobalka Nugaal.

PUNTLAND POST

The post Faallo: Isbadelka lagu saameeyey Maamulka iyo Taliska Booliska Gobalka Nugaal ma yahay mid la asiibay? appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this