Sign in to follow this  
Deeq A.

Shabaab kaliya ma ahan: Aqri 7 ka mid ah kooxaha ku lugta leh dilalka Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Onlnie) – Waxaa sii xumaanaya amniga magaalada Muqdisho oo gaaray heer ay sii xoogeysato cabsida bulshada ku dhaqan caasimadda Soomaaliya. Qaraxyada, dilalka qorsheynsan iyo baabuurta lagu dhajiyo waxyaabaha qarxa ayaa noqday kuwo faraha ka bixiyey amnigii magaalada.

Waxaa ugu dambeeyey isku daygii dil ee sabtidii loo geysan rabay Professor Yaxye Caamir oo bedelkiisa uu dhintay walaalkiis ka yar, kaasi oo watay baabuurkiisa oo qarax loogu xiray.

Hase ahaatee, Yaxye Caamir oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in dadka wax dila ee ku sugan Muqdisho aysan ahayn Al Shabaab oo kaliya balse ay jiraan qeybo kale oo siyaabo kala duwan wax u khaarajiya.

Yaxye Sheekh Caamir oo sheegay 7 koox, ayaan magacaabin balse waxaa jira in ka badan 7 dhinac oo Muqdisho isku dila, Hadaba, yey noqon karaan?

1 – Al-Shabaab – Shaki cidna ugama jiro in Al-Shabaab yihiin kuwa dilka ugu badan geysta, ee ku sugan magaalada,  iyagu xataa taas ma difirsana oo ay weyba sheegtaan marka ay dad dilaan. Sidoo kale inta badan qaraxyada magaalada Muqdisho ayaga ayaa fuliya oo sheegta.

2 – Ciidamada Dowladda – Ciidamada Dowladda Soomaaliya waxa ay kaalinta koowaad ee dilalka ku haystaan Al-Shabaab. Waxay dhacaan shacabka oo mararka qaar dilaan, waxay rasaas isaga furaan baabuurta rayidka. Ayaga dhexdooda ayaa is-dila oo ku dagaalama lacagaha baadda ah ee ay dadka ka dhacaan.

3 – Sirdoonka shisheeye – Muqdisho waxaa ku dhex jira dad u shaqeeyaa sirdoon shisheeye, oo ayagana dila sirdoonka kale ee u shaqeeya dalal kale. Arrimahan waxaad ugu lug leh sirdoonka u shaqeeya dalal ay ka mid yihiin Imaaraadka, Qatar, Sacuudiga, Turkey, Ethiopia, Kenya, Mareykanka iyo dalal kale.

4 – Ganacsatada – Ganacsatada ayaa iyaguna ah kuwo geysta dilal ay la bartilmaameedsanayaan ganacsatada kale ee uu kala dhexeeyo loolanka ganacsi! Kiisaskan ayaa inta badan dhaca marka ganacsi uu ku taajiray qof, uu qof kale lasoo gala ama suuqa ka saaro, taasi oo mararka qaar kuwooda aan iimaanka lahayn ku hogaamisa falal aan la mahdin.

5 – Shaqaalaha –  Shaqaalaha ka tirsan hay’adaha kala duwan sida shirkadaha, dowladda iyo UN-ta ayaa iyaguna is bartilmaameedsada oo kala disha shaqooyinka. Arrintan ayaa waxaa sidoo kale qeyb ka ah kala dilashada xilalka dowladeed, oo mararka qaar xitaa ay isku sameeyaan dadka aadka isugu dhow, xitaa xildhibaanada ayaa kala disha boosaska.

6 – Aanooyin – Waa arrin soo jireen ah in qabiilada ay isu dilaan aanooyin iyo utumo hore iyaga oo kala aarsanaya dhacdooyin dil oo muddo hore dhacay. Waxaa jira kiisas la xaliyey, oo dadkii dadkooda laga dilay aysan weli ka sabrin, ama qabiilo waagii hore laga awood badnaa, oo aan aarsan karin balse hadda fursad helay, ayaga oo kusoo gabanaya magaca Al-Shabaab kadibna sidaas ku aarsada.

7 – Amisom – Ciidamada Amisom waxay sidoo kale kaalintooda ku leeyihiin dilalka Muqdisho, ayaga inta badan dilalkooda waxay dhacaan marka ay baabuur jiirsiiyaan shacab ama rasaas aan loo meel-dayin furaan.

Arrimaha yaabka leh ayaa ah dhammaan in dilalkan markay dhacaan aan laga war-hayn, oo badanaa la yiraahdo un qof shacab ah ayaa la dilay, maadaama xogtooda hoose aan laga-warhayn. Waxaa sidoo kale durba dusha loo saaraa Al-Shabaab.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this