Sign in to follow this  
Deeq A.

Dib u dhac ku yimid shirkii uu ku baaqay Madaxweyne Farmaajo

Recommended Posts

Deeq A.   

Waxaa dib u dhac ku yimid shirkii dhowaan uu ku baaqay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Shirkaasi oo ahaa dhex dhexaadinta madaxda Gal-Mudug oo uu qilaaf baahsan ka dhexjiro.

Shirkaasi ayuu madaxweynuhu iclaamiyay in uu dhaco maanta oo Isniin ah 24-ka September.

Madaxda Gal-Mudug ayaa isku qilaafay ka qeeybgalka shirkaasi iyadoo madaxweynaha Gal-Mudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf uu ka soo horjeeystay.

Madaxda Gal-Mudug ayaa waxaa ka dhexjira qilaaf aad u baahsan iyaga dhowaan  labo xildhibaano oo kala joogo Cadaado iyo Dhuusamareeb ay xilalkii ka qaadeen madaxda sare ee maamulkaasi.

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post Muqdisho

The post Dib u dhac ku yimid shirkii uu ku baaqay Madaxweyne Farmaajo appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this