Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowlada oo beenisay warkii Mareykanka ee howlgalka duleedka KISMAAYO.!!

Recommended Posts

Deeq A.   

Kismaayo (Caasimada Online) – Korneel Buulle Maxamed Ibraahim oo ka mid ah saraakiisha xoogga dalka ee gobollada Jubbooyinka ayaa ka hadlay howlgal Al-shabaab looga diley 18 ka mid ah Al-shabaab kaasi oo laba maalin ka hor ka dhacay gobolka Jubbada Hoose.

Korneel Buulle ayaa meesha ka saaray sheegashada Mareykanka ee ah inay howlgalkaas fuliyeen, waxaana uu sheegay in howlgalkaan ay fuliyeen ciidanka xoogga dalka iyo kuwa Jubbaland, islamarkaana ay sidoo kale soo qabsadeen hub badan.

Waxa uu tilmaamay Korneelka in Maraykanka ciidankiisu aanay howlgalkaasi ka qeybgelin, balse ay si kore ula socdeen waa sida uu hadalka u dhigaye. Si kastaba, Mareykanka ayaa sheegtay in howlgalkaas ay ciidankooda wax ka fuliyeen.

“Howlgalkii Jubbada Hoose kaligeen ayaan fulinney, ciidanka xoogga dalka iyo kuwa Jubbaland ee Soomaaliyeed, Maraykana kaalin weyn kuma lahayn weerarkaan balse kor ayeey kala socdeen, waana ku guuleysannay” ayuu yiri Korneelka.

AFRICOM ayaa sheegtay in weerar ka dhacay gobolka Jubbada Hoose ku dileen 18 ka mid ah Al-shabaab.

Caasimada Online
Xafiiska New York
Caasimada@live.com 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this