Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Xariga DR. GACAL iyo xogta Shabaabka NISA ku dhex jira ee uu hayo (Aqri)

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Xog dheeri ah ayaa kasoo baxaysa xariga taliyaha Taliyaha Hoggaanka caafimaadka NISA, oo ay ciidamada hay’adda nabad sugidda iyo sirdoonka qaranka ay habeenkii sabtida kala baxeen gurigiisa oo ku yaalla magaalada Muqdisho.

Dr. Xasan Axmed Maxamed Gacal ayaa la xiray kadib markii sabtidii  uu gaarigiisa ku qarxay bannaanka hore guri uu ka deggan yahay magaalada Muqdisho, isaga oo ka badbaaday qaraxaasi.

Ilo-wareedyo lagu kaslsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in xariga Gacal uu qeyb ka yahay khilaafka xooggan ee ka dhex jira hay’adda iyo tuhunka ku saabsan in xubno badan oo Shabaab ah ay ku dhex jiraan hay’adda, sida uu horey u sheegay taliye ku xigeenkii NISA Jeneral Cabdalla Cabdalla..

Gacal ayaa dhowr toddobaad un ka hor lasii daayey markii sidan oo kale loo xiray, isaga oo aan wax eedeyn ah loo jeedin, waxaana wararka qaar sheegayaan inuu hayey xog badan oo ku saabsan xubnaha Shabaab ee NISA ay xirto iyo sida fudud ee durba lagu sii daayo, iyo sidoo kale xubnaha ku dhex jira hay’adda.

Xarigiisa ayaa dad ku dhow rumeysan yahay inuu ku lug leeyahay xogta badan ee uu hayo. “Gacal waxaa la isku dayey in la aamusiyo, kadib markii la qarxiyey baabuurkiisa, markii uu ka bad-baadayna waa la xiray si uusan cidna ula hadal” ayuu yiri qof ku dhow oo codsaday inaan la magacaabin

Dad isaga ku dhow ayaa sidoo kale sheegay in qaraxiisa laga yaabo inay Shabaabka fuliyeen ayaga oo xog ka helaya xubno ku dhex jira hay’adda.

Ehlada Gacal ayaa sheegay in qaabka loo xiray aan ahayn mid uu mudnaa, islamarkaana loo diidey ehelkiisa iney ogaadaan halka la geeyey. Laamaha ammaanka weli kama aanay hadal xarigga Dr. Gacal iyo sababaha ka dambeeya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this