Sign in to follow this  
Deeq A.

“Al-Shabab oo ka guuraya Kenya iyo Uganda una wareegay dal kale oo Afrika ah”

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda International Crisis Group (ICG ) ayaa soo saartay warbixin ay kaga hadleyso dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab ee Wadamada Kenya iyo Uganda.

Warbixintaan ayaa waxaa lagu soo aadiyey Shan sano kadib markii uu dhacay weerarkii Khasaaraha badan geystay ee Westgate ee magaalada Nairobi. Weerarkaas ayaa waxaa lagu dilay ilaa 67 qof iyadoo ay Al-Shabaab heyteen xarunta ilaa Afar maalmood.

Weerarkaas ayaa muujiyey awoodda ay Al-Shabaab u leedahay inay weeraro ka geysato meelo ka baxsan Soomaaliya isla markaasna ay la wareegto xarun weyn oo ganacsi.

ICG ayaa warbixinteeda xoogga ku saartay sida ay tahay khatarta Al-Shabaab ee Gobolka Afrikada Bari iyo waxyaabaha iska badalay dhanka Amniga .

” Waxaa cirka isku shareertay carada Muslimiinta kadib weerarkii lagu xasuuqay dad badan ee aan loo aabo yeelin waxayna taas keentay inay Muslimiinta qortaan dad cusub” ayaa lagu yiri warbixinta kasoo baxday ICG.

Hey’adda ayaa sheegtay in wixii ka dambeeyey 2015 ay isbadal weyn sameeyeen maamulayaasha wadamadaas is wax looga qabto Khatar Al-Shabaab.

Cabdullaahi Cabdulle Shaahow oo ka tirsan Hey’adda ICG lana hadlay Idaacadda BBC qeybteeda Afka Soomaaliga ayaa sheegay in hoos u dhaca saameynta ay Al-Shabaab ku leedahay Wadamada Kenya iyo Ugandha ay sabab  u tahay dadweynaha oo laga qeybgeliyey howgalada looga hortagayo Al-Shabaab.

Hey’adda ayaa xustay inay Al-Shabaab u wareegsadeyn Wadanka Tanzania halkaas oo ay ku sugan tahay koox kale oo Argagixiso kadib qorshahaan cusub oo ka hirgalay Wadamada Kenya iyo Uganda.

Hey’adda ayaa intaas kusii dartay in taas aysan ka dhigneyn inay dhamaatay khatarta Al-Shabaab ee Kenya loona baahan yahay in lasii dardargeliyo qorshahaan cusub oo ay adeegsanayaan

Sidaasoo ay tahay Al Shabaab waxay weli sii wadeen weerarradii ay ka gaysanayeen Gudaha Kenya.

Warbixintu waxay hoosta ka xarriiqday tallaabooyin ay maamulayaasha Kenya iyo Uganda adeegsadeen oo aan mirodhal noqon, kuwaasoo ay ka mid ahaayeen xarig aan kala sooc lahayn iyo tacaddiyo ay boolisku u gaysteen dadka muslimiinta ah.

Ugu dambeyn Hey’adda ayaa xustay in Soomaalida laga qayb galiyey amniga, sidoo kalena dadka dega gobolka xeebta lagu warejiyey sugidda amnigooda” ayuu yiri C/laahi Shaahow.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this