Sign in to follow this  
Deeq A.

XOG: NISA iyo AMISOM oo magaalada Muqdisho ku gaaray heshiis muhiim ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida aan wararka ku helnay kulan maalmo qaatay ayaa waxa uu dhexmaray Khubaro ka kala tirsan Hay’adda NISA iyo Taliska ciidamada AMISOM ee Somalia, waxaana kulanka lagu gaaray heshiis muhiim oo la xiriira wadaaga xogta sirdoonka.

Kulanka oo ka dhacay garoonka Aadan Cadde, islamarkaana ahaa mid looga arrinsanayay sida ugu fudud ee Al-Shabaab looga ciribtiri lahaa Somalia, ayaa waxaa sidoo kale laga soo saaray go’aanno lagu wiiqi karo awoodda Al-Shabaab.

Qorshaha ugu weyn ee kulanka ayaa ahaa in la xoojiyo wada shaqeynta Hay’adaha Sirdoonka Somalia iyo Taliska Ciidanka AMISOM, la iskula wadaago xogta sirdoonka, sidoo kalena ay guud ahaan ciidamada labada dhinac lahaadaan iska warqab buuxa.

Khubaradu waxa ay isla garteen inay muhiim tahay in howlaha lagu dhinac wado sida ugu sahlan ee loo uruurin karo xogaha dhinaca amaanka ah, iyadoo si joogta ah loo wadaagayo xogaha.

Hay’adaha sirdoonka Soomaaliya ee NISA ayaa soo uruurisa xogaha ay ku howlgalaan ciidamada AMISOM iyo Ciidamada Dowladda Federaalka ah ee Militariga.

Sidoo kale, madaxa Sirdoonka Ciidanka AMISOM Naboth Mwesigwa, ayaa Hay’adaha sirdoonka Soomaaliya ka codsaday in ay xogaha muhiimka ah isla socodsiiyaan si cadowga loo wiiqo.

Dhinaca kale, kulanka ayaa lagu sheegay in ay hoos u dhaceen weerarrada dhinaca Miinooyinka ah gudaha Soomaaliya kaddib markii la helay isku xir fiican oo dhinaca sirdoonka ah iyo tababarro dheeraad ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this