Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog laga helayo baabuurtii qaraxday maanta iyo halka QARAXA looga soo xiray

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa Qarax gaari oo casir liqii maanta ka dhacay Isgooska Dabka ee magaalada Muqdisho.

Qaraxa ka dhacay Isgooska debka oo gaariga loogu xiray wiil ay wada dhasheen Porf. Yaxye Sheekh Caamir kaa oo u dhintay dhaawac culus oo soo gaaray. Waxaa sidoo kale ku dhintay Qarax laba ruux oo iyaguna la sheegay inay la socdeen Gaariga sida ay baahisay Idaacada VOA.

Gaarigan ayaa la sheegay in xiliga uu Qarxaayay laga soo qaaday Garaash kadib cilado laga soo sameynayay, iyadoo inta la cilad bixinaayey darawalka loogu xiray Qarax uu tankiisa cuslaa. Ma cadda sida dadka qaraxa kusoo xiray baabuurka ay u awoodeen inay sidaas ku sameeyaan intii uu yaalay garaashka.

Gaarigan ayaa la xaqiijiyay in Qaraxa oo ahaa nooca dhajiska loogu xiray afka hore, waxaana Qarax kadib ku baahay ololka oo saameeyay gabi ahaan gaariga.

Mid kamid ah Saraakiisha Qaraxa ku baxay ayaa laga soo xigtay in Qaraxa ay ku dhaawacmen Seddex ruux oo midi ahaa Askari goobta ku sugnaa, halka labada kale ay xiliga Qaraxa marayeen wadada.

Sarkaalkan ayaa sheegay in xogta ay helayaan ay muujineyso in Gaariga Qaraxa loogu soo xiray meel aan sidaa uga sii fogeyn Isgooyska Bakaaraha, balse ay wadaan baaritaano dheeri ah.

Qaraxa labaad oo isna ahaa mid lagu xiray Gaari ayaa waxa uu ka dhacay nawaaxiga Hoteel Cali Kaar oo ku yaala dhabarka danbe ee Makka Al-Mukarama.

Gaariga lagu xiray Qaraxa labaad ayaa yiilay banaanka sare waxaana la xaqiijiyay inuu lahaa Sarkaal ka tirsan dowlada, balse xiliga Qaraxa ma uusan saarneyn gaariga.

Qaraxaan labaad ayaan geysan khasaaro waxa uuna dhacay xili uu gaariga yiilay baakin guri hortii ah, sida aan kasoo xiganay dad goobjoogayaal ah.

Qaracyadan ayaa kusoo beegmaya xili magaalada Muqdisho ay kusii kordhayan Qaraxyada iyo dilalka ay geystaan maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Dhinaca kale, Qarax ceynkaan ah ayaa waxaa asbuucii tagay lagu dhaawacay Xildhibaan ka tirsanaa BFS xili uu maraayay afafka hore ee dhismaha Tiyaatarka.

Qarax-1-1.jpg Qarax-2..jpg Qarax-3.jpg Qarax-2-1.jpg Qarax-5-1.jpg Qarax-6-1.jpg Qarax-4.jpg Qarax-3-1.jpg Qarax-7-1.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this