Sign in to follow this  
Deeq A.

Maraykanka oo weerar ku qaaday duleedka Kismaayo

Recommended Posts

Deeq A.   

Kismaayo Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay  in ay duqeyn ku dishay 18 xubnood kamid ah Al-Shabaab kadib markii ciidamo Soomaali ah iyo kuwo Maraykan ah lagu weeraray Koonfurta Soomaaliya, sida maanta oo sabti ah uu sheegay taliska Maraykanka ee Afrika.

Ma jiraan cid ka tirsan ciidamada Soomaalida iyo kuwa Maraykanka oo lagu dilay ama lagu dhaawacay weerarka, sida uu sheegay, Nate Herring, oo ah afhayeen u hadlay AFRICOM.

Weerarka waxaa la qaaday Jimcihii wuxuuna ahaa wax iska caabbin kadib markii “mintidiintu ay weerar ku qaadeen sahan ama roondo ay si wadajir ah u samaynayeen Ciidamadu” markaas oo maraykanku uu kaga jawaabay “rasaas aan toos ahayn” ayuu yiri .

Dagaalka ayaa ka dhacay meel 50 kilometer u jirta magaalada dekadda leh ee Kismaayo kagana beegan Waqooyi-galbeed, sida lagu sheegay war qoraal ah oo ka soo baxay taliska Maraykanka ee Afrika.

Ciidamada Maraykanka ayaa la shaqeeya xoogagga caalamiga ah ee nabad ilaalinta iyo ciidamada dawladda soomaaliya oo dagaal kula jira Al-Shaabab.

Maraykanka ayaa sanadkaan gudihiisa qaaday in ka badan 20 duqaymood oo dhanka cirka ah oo ka dhan ah ururka Al-Shabaab.

IMG_20180922_172514.jpg

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
caasimada@live.com 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this