Sign in to follow this  
Deeq A.

Arag Sawirrada: Weerar ay askar badan ku dhinteen oo lagu qaaday dalka Iran

Recommended Posts

Deeq A.   

Al-ahwaaz (Caasimadda Online) – Tobaneeyo qof ayaa ku dhintay weerar hubeysan oo ka dhacay mid kamida magaalooyinka waaweyn ee wadanka iiraan.

Wararka ka imaanaya wadanka iiraan ayaa sheegaya in xoogag hubeysan ay weerar aad u xooggan ku qaadeen bandhig melleteri oo ka socday magaalada Al-ahwaaz.

Wasiirka arrimaha dibadda Iiraan ayaa xaqiijiyay in ugu yaraan 23 qof oo ubadan ciidamada Melleteriga ay ku dhinteen weerarka oo dhacday barqadii maanta waqtiga maxalliga ah ee wadanka Iiran.

Wakaaladda wararka ufaafisa Iiraan waxay faafisay in dadka dhintay ay kamid yihiin saxafiyiin iyo carruur, iiraan waxay ku eedaysay weerarkan ay soo abaabuleen weerarkan lagu qaaday magaalada Al-Ahwaaz.

Muuqaallo lagu faafiyay baraha bulshada ayaa muujinayay Meydad daadsan goobta weerarku ka dhacay iyo gaadiidka caafimaadka oo dhaawacyo daabulaya.

Weerarkan ayaa imaanaya xilli xiisadda udhaxaysa dowladaha iiraan iyo Mareykanka ay cirka iskusii shareerayaan islamarkaana Trump uu cunaqabateymo hor leh kusoo rogay shirkado ganacsi iyo mas’uuliyiin iiraaniyiin ah.

Dnrw7qhXcAAyjQx.jpg Dnrw7qhW0AAlu1K.jpg 2905498.jpg 2905496.jpg 2905495.jpg 2905489.jpg 2905487.jpg

Caasimada Onlin
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this