Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog iyo Gorfeyn: Xagee ayuu ku danbeyn doonaa Mustaqbalka Golaha Kismaayo Waare kadib? (Qodobo)

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweyne Waare Asbuuc ka hor waxaa Muqdisho kusoo dhaweeyay Xildhibaanno aan horey ugu soo dhaweyn jirin markii uu ka imaanayo Hirshabelle lkn dhadhan gaar ah ay u laheed markii uu ka yimid Kismaayo.

Seddex maalin ka horna lama joogin markii uu War-murtiyeedka aqrinayey, Asbuuc gudihiis goormey garabkiisa ka baxeen?.

Waare oo sanad jirsaday lana jaanqaaday Xukuumada Nabad iyo Nolol lana filayey in uu noqdo wiil baarri ah sidii Guuleedkii Qabyo ayaa bill kadib doorashadiisii ku biiray Golaha Kismaayo, kana noqday Gudoomiye ku-xigeen isaga oo rajo ka qabay in Gaas iyo Modoobe ay uga fiicanyihiin Qaraabka Carabta iyo xiriirka Ethiopia kana heli doono awood iyo dhaqaale ka fiican tan Federaalka.

Sanad kadib ayuu garwaaqsaday qodobadan:-

1-Waare,  Xaaf iyo Sharif Xasan in ay deganyihiin Xamar, Waqtigoodana 90% ku qaatasn Xamar, 90% Wasiiradooda iyo Xildhibaana-dooduna ay Xamar joogaan, Siyaasiyiinta, Aqoon-yahanka iyo Ganacsatada Gobaladooduna ay Xamar joogaan.

2-In Dekeda iyo Dakhliga Xamar laga biilo Maamuladooda aysana laheen Dakhli kale.

3-In Gaas iyo Madoobe aysan waxba uga ogoleen Dakhliga Kismaayo iyo Boosaaso sida uu maalin hore cadeeyey Waare.

4-In Ethiopia is bedeshay kana baxday faraha Gaas iyo Madoobe, Qaraabkii Carabtana ay isku haystaan Trump, Abiy Ahmed iyo Afwerk.

5-In Shirka Golaha uusan ku qaba karin Jowhar haddii uu laba asbuuc kadib kalasoo wareego Gudoomiyaha Gaas balanta Garoowe, maadama ay diidan yihiin Golihiisa Wasiirada iyo Barlaankiisu Golaha Kismaayo.

6-In Cabashada Qoraalkii Kismaayo ay aheed dan gaar ah oo aysan aheen dan guud sida uu maalin dhaweyd cadeeyey Waare, lagana fahmayo Qoraalka kasoo baxay Golaha Kismaayo.

Hadaba Mustaqbalka Golaha Kismaayo xaguu ku danbeyn-doonaa?

1-Gaas waxaa u dhiman 3 bill oo Olole ah Waqtina uma hayo Golaha, Rag culusna way la tartamayaan, dadka reer Puntland-na ma ogola in Madoobe kula daarto Rooti Qalalan.

2-Sharif  Xasan hal bill ayaa u hartay, Ololihiina waa bilawday, Musharaxiin Culus ayaana gaaray Baydhabo isaga oo ka maqan, waxaana laga sugayaa Mushaarkii Barlamaankiisa oo aruuray iyo Qaraab cusub.

3-Xaaf waxaa u harsan 7 bill oo uu u dhaxeeyo mushkilada Cadaado iyo Dhuusmareeb, mana filayo in uu waqti danbe u hayo Kismaayo iyo Garoowe.

4-Madoobe ayaa usoo haray Golaha oo uu haysto 4 culeys sida:-

A)-Doorashadiisa.

B)-Arinta Gedo.

C)-Dagaalka  Al-Shabaab.

D)- Gacantii uu ka heli jiray Ethiopia iyo Kenya oo yaraatay.

Ugu danbeyntii, Sidaas darteed Golaha Kismaayo waxaa la gudboon in dib u eegis lagu sameeyo lana xoojiyo xiriirkooda Federaalka “Nin aan kuu furi-doonin yuusan kuu rarin”.

W/Q. Mohamed Gacal (Dr Gacal)

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this