Sign in to follow this  
Deeq A.

Kaalin intee la’eg ayey amni darada MUQDISHO ka qaadaneysa fulin la’aanta xukunada dilalka ah? (Warbixin)

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Inta badan dadka reer Muqdisho waxa ay is weydiinayaan sababta ay dowlada Somalia ee uu Hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo u hakisay fulinta dilalka Toogasho ee uu xukunkooda dhacay.

Dilalka la fuliyaa ayaa waxaa ugu danbeysay tan iyo Markii la doortay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo 8-dii bishii February ee 2017-kii, markii laga reebo dilal ka yar shan oo dhacay.

Maxkamada Ciidamada qalabka sida ayaa riday xukuno kor u dhaafaya 20 xukun, hase yeeshee waxaa isweydiin mudan sababta loo fulin la’ yahay.

Xukunada ugu badan ayaa lagu riday Saraakiil iyo dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab oo qaarkood lagu hayo cadeymo muujinaaya Qaraxyo iyo dilal ay geesteen balse ma jirto xukun lagu fuliyay oo ku aadan Shaqsiyaadkii dilalka lagu xukumay.

Xukunada ay Maxkamadda Ciidamada qalabka sidda ku rido danbiilayaash ayaa soo mara heerar kala duwan ,iyadoona marka ugu dambeysa laga doonaayo in uu saxiixo Madaxweynaha Somalia Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo sida cad soo saxiixay.

Waxaa muuqaneysa in Dowlada Somalia ay fulinta dilka toogasho Askariga iyo Al-Shabaab u sahlan tahay dilka Askariga, halka laga doonaayay inay ka fuliso dilka Al-Shabaabka ugu badan ee uu xukunkoodu dhacay.

Dowlada ayaa toogashooyinka qaar ku fulisa askarta la xukmiyo, waxaana xusid mudan in Al-Shabaab badan ay ku jiraan Xabsiyada kuwaa oo aan la toogan waxaana lagu xanaaneeya Xabsiyada.

Dilalka iyo Qaraxyada ka dhaca magaalada Muqdisho ayaa waxaa leysku raacay inay sii kordhineyso fulin la’aanta dilalka waxa ayna tani dhiiri galineysaa Al-Shabaab.

Al-Shabaab oo kordhisay amni daradeeda ayaa waxaa loo sababeeyay in ay sababta koowaad tahay inaanu jirin xukun ay ka cabsanayaan waxa ayna dadka qaar qabaan in dowlada ay si dadban u dhiiri galineyso Al-Shabaabka marba haddii aan lagu fulin xukunka.

Sidoo kalem Xildhibaano ku dhow 40 ayaa dhawaan ku eedeeyay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo in uu diiday in uu saxiixo fulinta xukun lagu riday Askari horay u dilay Wasiir ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Soo ifbixidda in uusan Madaxweyne Farmaajo saxiixin fulinta xukunadda dilka ah ee ay riday Maxkamadda Ciidamada qalabka sidda ayaa soo ifbaxday Markii Mas’uuliyiin ka tirsan maamul goboleedyadda iyo xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka ay shaaciyeen in ay arintaasi la xariirto Madaxweyne Farmaajo oo heysta dhalashadda Mareykanka.

Waxaa la sheegay hadii uu saxiixo in uu la kulmi karo caqabad kaga timaada dhanka dalka labaad ee uu dhalashadda ka heysto ,Maadaama aan laga ogoleyn xukunada dilka ah.

Si kastaba ha ahaatee, dowlada Somalia ayaa waxaa la gudboon inay fuliso xukunada si uu u yaraado falalka amni darro.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this