Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxay tahay SABABTA ay Al-ShabAab isugu tageen gobolka GAL-GADUUD?

Recommended Posts

Deeq A.   

Cadaado (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Gobalka Galgaduud ayaa sheegaya in deegaano ka tirsan Gobolka ay buux dhaafiyeen, isuguna tageen maleeshiyaad badan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Maleeshiyaadka ayaa lasoo sheegayaa inay wataan gaadiid dagaal, oo aad u badan waxaana aad looga cabsi qabaa in deegaanada Gobolka oo idil ay isku faafiyaan, amaba ay qabsadaan.

Deegaanada ay Al-Shabaab gaaren ayaa waxaa ka mid ah Ceeldheer, Masagawaa iyo Cowsweyne oo dhamaantooda ka wada tirsan Gobalka Galgaduud.

Dadka deeganka ayaa xaqiijiyay inay arkayeen gaadiid dagaal iyo maleeshiyaad badan oo ka tirsan Al-shabaab oo gudaha u galay degaanadaasi.

Waxa ay dadku sheegen in maleeshiyada ay dhaqdhaqaaq ka bilaaben deegaanada ay galeen, waxa ayna taasi cabsi saa’ida galisay dadka shacabka ah.

Sidoo kale, waxaa heegan buuxa galay ciidamada maamulka Galmudug si ay uga hortagaan weerar kasta oo ka yimaada dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Al-Shabaab ayaa hada waxaa ay maamulaan deegaano badan oo ka tirsan Gobalka Galgaduud.

Ma cadda waxa uu yahay qorshaha saxda ah ee maleeshiyada Al-Shabaab ay ka damacsan yihiin deegaanada ay iminka qabsadeen.

Caasimada Online
Xafiiska Cadaado
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this