Sign in to follow this  
Deeq A.

Dhageyso: Ehellada Wiil Ay Ciidanka AMISOM Muqdisho Ku Toogteen Oo Dalbaday Caddaalad

Recommended Posts

Deeq A.   

Ehellada Wiil Dhallinyara ah oo ciidanka shisheeyaha AMISOM ay ku dileen magaalada Muqdisho ayaa dowladda ka dalbaday inay helaan cadaalad.

Ciidamo ka tirsan kuwa Nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya ku sugan, ayaa maanta gudaha magaalada Muqdisho ku toogtay, Wiil dhalinyaro oo watay gaari Nuuc Raaxada xilli uu marayay Laamiga Seybiyaano gaar ahaan suuqa caanaha ee gobolkani Banaadir.

Ilwareedyo ayaa Goobjoog News u xaqiijiyay in ciidamada xilligii ay wiilkaasi tooganayeen uu watay gaarigiisa wadaduna ay ahayd mid aad u mashuul badan.

Rasaas ayay mar qura huwiyeen, kaddibna waa ay ka soo dhaqaajiyeen, sida dadkii goobta ku sugnaa ay u sheegeen Goobjoog News.

Lama oga sababta rasmiga ah ee wiilkani dhallinyarada ah ay ciidanka AMISOM u beegsadeen, waxayna tani qeyb ka tahay tacadiyada howlgalka midowga Afrika ee Soomaaliya oo meelaha ay ku sugan yihiin lagu eedeeyo inay ka geystaan falal liddi ku ah beni’aadanimada sida kufsi iyo dil xataa mararka qaar baabuurta dadka rayidka ah wataan ayay jiiraan bilaa sabab.

Isla todobaadkani ayay ahayd markii ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ay rasaas ay fureen ay ku dhimatay gabar aan qaan gaar ahayn oo sagaal sano jir ah islamarkaana uu ku dhaawacmay wiil kale oo arday ah.

Marxuumka la dilay ayaa lagu magacaabaa Dayax  Iimaan Xasan, waxaa haddaba mareegta Goobjoog News la helay  Xasan Iimaan  Xasan oo ah walaalka marxuumkaasi.

HALKAN HOOSE KA DHAGEYSO:

https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/09/WIILKA-WALAALKIIS-LA-DILAY-21-09-2018.mp3

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this