Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-shabaab oo la shaaciyay inuu Weli halis weyn ku yahay ammaanka Kenya

Recommended Posts

Deeq A.   

Al-shabaab-oo-weerartay-balcad.jpg?resizNairobi (PP) ─ Warbixin ay soo saartay Hay’adda Caalamiga ah ee ka faalloota xasaradaha iyo khilaafyada, ayaa lagu sheegay in Al-shabaab ay weli halis weyn ku tahay Amniga Dalka Kenya, Shan sano kadib weerarkii Westgate Mall.

Warbixinta ayaa waxaa cinwaan looga dhigay ‘Al-shabaab shan sano kaddib Weerarkii Westgate, weli waa halis ka taagan Geeska Afrika’, waxaaa lagu sheegay warbixinta in Al-shabaab beddeshay Xeeladihii ay horay u adeegsan jirtay weerarrada ay ka geystaan Gudaha dalka Kenya.

Tan iyo sannadkii 2015-kii, Al-shabaab waxay xoogga saartay sidii ay uga qoran lahayd dhallinyaro badan dalka Kenya, gaar ahaan gobolka Waqooyi-bari iyo gobolka xeebta ah ee Lamu sida ay tilmameyso warbixinta.

Sidoo kale, Al-shabaab ayaa isku dayay in ay dad taabacsan ku yeelato gobollada Waqooyiga iyo Bartamaha dalka Kenya, iyadoo diiradda saareysa dhallinyaro horay u ahaa masiixiyiin, laakiinse qaatay diinta Islaamka.

Warbixinta waxaa lagu xusay in Al-shabaab weerarradeeda xooggooda ay ka geystaan Soohdinta u dhexeysa Kenya iyo Soomaaliya, siiba Qaraxyada lala eegto gawaarida ay leeyihiin dadka u dhashay Kenya, gaar ahaan ciidamada iyo shaqaalaha, iyadoo dhinaca kale lagu sheegay warbixinta in Al-shabaab ay xulafaysi la samaysay koox ka dagaallanta gobolka Pwani ee Tanzania oo xad la leh waddanka Kenya.

Dhanka kale, Weerarkii ay Al-shabaab ku qaaddday Westgate Mall oo ah suuq laga adeegto oo ku yaalla Magaalada Nairobi oo dhacay 21-kii bishii September ee sannadkii 2013-kii, waxaana ku dhintay 71-qof oo 62 ka mid ah ay ahaayeen rayid, shan kalena ay ahaayeen ciidanka Kenya halka afarta hartay ay ahaayeen raggii weerarka qaaday.

Ugu dambeyn, Ku dhawaad 200-ruux ayaa lasoo wariyay inay dhaawacyo kasoo gaareen toogasho iyo dagaal dhex-maray ciidamda Kenya iyo raggii hubeysnaa ee xaruntaas weeraray.

PUNTLAND POST

The post Al-shabaab oo la shaaciyay inuu Weli halis weyn ku yahay ammaanka Kenya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this